Su’aal ah inuu MSL ka jawaabo doorashadda kahor.

 

Waxaa la ogyahay in sandkii 2005-dii, oo ahayd markii golaha wakiilöadda la soo dooranayay
in degaanadda bariga Lughaya laga xayiray inay doorasho ka dhacdo,degaanadas oo laga soo
dooran lahaa misharaxiintii qabiilka Ciise, ilaa haddana aysan ku jirin golaha,ama ay ku yar
yihiin xildhibaanadii qabiilka Ciise u meteli lahaa golaha. Xayiraadas waxaa la sii raaciyey in
diwaangelintiina laga  joojiyey degaanadas, oo qabiilka Ciise ka yahay dadka dega boqolkiiba
in ka badan 75%.
.
Waxaa MSL laga sugaya,inuu jawaab rasmiya ka bixiyo arrintas intaan la gaadhin doorashadda,
la filayo inay dhacdo dabayaqada sandkan. Dawladi waa inay u caddayso shacabkeedda,waxa
ay siyaasadeedu tahay,mana  aha inay  waxyaabo la dareemi karo qarsato,kuna dhaqanto.
Shacabka laga xayirayo  inay wax doortaan,iyo inay isdiwaangeliyaan,waa shacabka somaliland
ku abtirsada ee ma ‚ah shacab dal kale ku abtirsada,sidas awgeed wuxuu  leeyahay xaquuq
distuuri ah oo ah inay wax doortaan,lana doorto. Waana arrin ku habboon inay ka hadlaa xisbiyadda
macaaridka’ihii .
Ka jawaabid wanaagsan
Qore;Daljir