Daawo: Dalka Itoobiya oo yeelan doono Bad Cusub oo kala qeybisa dalkaasi(Barnaamij Xiisabadan )

Sida ay sheegeen Quburada Cilmi Baarista Dhulka waxaa soo baxaya ififaalo dalka itoobiya uu yeelan doono Bad Cusub oo ka soo farcanta Bada Red Sea. Sida Muuqaaladan Hoose aad ku daawandoontaan, waxaa socda baaritaano ay wadaan qubura Caalami ah oo ku taqsuustay Cilmiga Dhulka isbedalada ku yimaada( geological mapping team) oo Cabiraya Khariirada dil dilaaca dhulka sii badana iyo   qaraxyada Voolkaanada  qaabka ay u socdaan . Quburada waxay xaqiijiyeen bada cusub ee ka dhalan doonto itoobiya.

Muuqaalkan waxaa ka muuqda waxyaabo badan oo aad la tacajabto isla markaasina xiisa leh .

Quburada waxay sheegeen in Mustaqbalka dalalka Djibouti,Soomaaliya, Kenya, Tanzania iyo ugandha iyo qeyb Ethiopia ah ayaa waxay ka go’i doonaan afrika inteeda kale sida dalka Madagaskar oo haatan ah jaziirad ku dhex taalo badweynta hindiya.