Dagaal Laba Beelood Ku Dhex Maray Deegaanada Barigga Lughaya +Sababta Dhalisay Dagaalka Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

 

Wararka naga soo gaadhaya deegaanada bariga magaalada Lughaya ayaa sheegaya in dagaal gacan ka hadal iyo hub labadaba la isku adeegsaday uu laba Beelood oo walaalo ah ku dhex maray deegaano ka tirsan Xeebta Bariga Lughaya ee ah 6-dii Goobood ee Hargeysa Maaganayd in ay Xoog ku Qaadato.

Dagaalkan oo markii hore ahaa mid ku bilaabmay gacan ka hadal oo la isku adeegsaday hubka gacanta ayaa markii danbe isku badalay hub urursi kaas oo labada Beeloodba ay is dhaafsadeen rasaas nool isla markaana dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare dhaawac.

Waxaana dagaalkan dhex maray ciidamada maleeshiiyaadka labada Beelood uu ka dhashay sida la sheegay kadib markii gabadh ka dhaansanaysay Ceel Biyood ku yaala deegaanka Cabdi Geedi loo diidey inay ka dhaansato,waxaana dagaalkani markii hore uu ahaa mid gacan ka hadal ah oo dhex maray rag kasoo kala jeeda beelaha ku ood-wadaagta ah deegaanadaasi,waxaana markii danbe uu isku badalay mid hub urursi ah oo la is dhaafsaday rasaas.

Ciidamadan Maleeshiiyaadka ah ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen ciidamada ay keenta maamul beeleed hargeysa ee Soomaaliland oo goobtaasi soo gaadhay,wallow aanay rasaastaasi wax khasaare ah sababin oo dhanka Ciidanka ah.

Dagaalkan ayaa waxa ka dhashay khasaare dhaawac oo dhan Sagaal qof 6 ka soo jeeda Hargeysa iyo 3 deganka Lughaya ah kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan,waxaana dhaawacaasi lasoo gaadhsiiyey cusbitaalka wayn ee magaalada Hargeysa halkaasi oo lagu dabiibayo dhaawacyadooda.

Sidoo kalena wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamo Maleeshiyo Beeleed ah ay isku hor fadhiyaan deegaanka Cabdi Geedi,waxaana wali aan goobta gaadhin ciidamada qaranka iyo Booliska si ay u kala dhex galaan labada Beelood,,waxaana laga cabsi qabaa in deegaanadaasi mar kale ay ka istaadhanto colaad sokeeye oo u dhaxaysa labada Beelood ee Ood-wadaagta ku ah deegaanadaasi kuwaas oo ay hore u dhex martay shaqaaqooyin khasaare sababay.