ALLAW YAA WAR LA ISKUMA HAYE WAYNE KAXISHOODA!

Allaw yaa war la iskuma haye wayne kaxishooda!

Dhibaatada ka taaggan cabdi geedi ee soo noqnoqonaysa waa in la soo af jaraa.
Waa marka hore, abiid bay ka dhex dhici jirtay dadka reer guuraaga ah mashaqooyinka iyo is maan dhaafka ka dhasha ceelka iyo biyaha , xalna waa loo heli jiray waana laga heshiin jiray iyadoon dawlad soo dhex galin, odyaana ka fadhiisan jiray oo lafo guri jiray xalkana gaadhi jiray halkaana gacan qaad iyo walaaltinimaa ka dhalan jirtay.

 

 

Dhibaatada ka taaggan cabdi geedi ee soo noqnoqonaysa waa in la so af jaraa.
Waa marka hore, abiid bay ka dhex dhici jirtay dadka reer guuraaga ah mashaqooyinka iyo is maan dhaafka ka dhasha ceelka iyo biyaha , xalna waa loo heli jiray waana laga heshiin jiray iyadoon dawlad soo dhex galin, odyaana ka fadhiisan jiray oo lafo guri jiray xalkana gaadhi jiray halkaana gacan qaad iyo walaaltinimaa ka dhalan jirtay.
waxaad moodaa in hadda dhawrkii sano ee u danbeeyay ay arrimuhu isbadaleen Lana siyaasadeeyay gaar ahaan xaga beeshe dhexe ,tahayna mid dhaafsan daaq iyo biyo, salkana ku haysa siyaasadda Somaliland ee ku salaysan dul ballaadhsiga, lana rabo in lagu barakiciyo beesha ciise dhulkooddana la qaato luguna daro maroodi jeex.Taa waxa daliil u ah,waagii hore, markay wax dhacaan odayaalbaa ka talin jiray sidaan kor ku xusnay,hadda se si degdeg ah waxa u yimaada jabhadda beeshe dhexe ee magaca dawladda wadata ee uu hogaamiyo qabqble dagaal TIMACADE oo aad moodo in uu isagu ka danbeeyo dagaalada ka dhalanaya ceelka biyaha, garabna siiya beesha uu ka so jeedo.
Hadduu yahay sida uu sheeganayo nin dawlad ka tirsan cidankiisuna yahay ciidan dawladeed waxa uu noqon lahaa dhexdhexaad oo arrinta taagan xal waara ayuu u heli lahaa laakin waxaad mooda in uu isagu yahay waxa abuuraya dhibaatada meesha ka taagan waana arrin qoto dheer oo la rabo in cabsi iyo argagax la galiyo beeshe ciise, waana gardarro garab og.Taas waxa daliil u ah, markii uu dhacay dagaalkii ugu danbeeyay ee biyaha la isku afdhaafay ,islamarkiiba Timacade iyo ciidankiisii ayaa yimid ciisihiina Ku bilaabay hanjabaad iyo cago juglayn kadibna keentay in uu hub u qaybiyo beeshii uu ka soo jeeday yidhaahdana iska dhiciya sidaana ku huriyay dagaal dhex maray labada beelood oo walaalo ah.
hadaba timacade ayaa lagaga dacwoodaa? Ayaana xisaabin?
Waxay ila tahay ma jirto cid lagaga dacwoodo.Waxa aan wada ogsoonahay hogaan xumada maamulka silaanyo ee ku caan baxay boobka hantida dadwaynaha, cadalad darrada, isku dirka beelaha wada dagan iyo garab siinta dulmiga in uusan marna qabanayn TIMACADE.
Hadaba soomaalidu waxay tidhaa “NIN LA TUMAY BAY TALO GAADHAY” Beesha ciise waxay ka mid tahay beelaha soomaaliyeed ee dega somaliland, waxayna degaan seddex wadan oo kala ah Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, Beesha Ciise waa dad leh dhaqan iyo xeer soo jireen ah oo ay ku dhaqmaan dhexdooda, kulana macaamilaan Soomaalida kale ee ay deriska yihiin. ciise waa dad u hogaansan qanuunnka oo marnaba aan ka tallaabsan, dulqaadna leh laakiin marna aan ogolaan gardarro. Taa waxaa ka marag kacayay markay SNM dagaalka hubaysan la gashay dawladdii soomalida sideetanaadkii, ciise waxa uu ahaa beesha qudha ee si cad u taageertay SNM.
Halka issaq u cararay magantana ka helay wuxuu ahaa dhulka ciise,meesha dhaawaca SNM la keeni jiray ee lagu dawayn jiray dhul ciisuhuu ahaaa, saadka iyo raashinka meesha laga qaadijiray iyo dhulka uu u mari jiray jabhadda SNM dhul ciisuhuu ahaa.markaa waxan leenahay soomaliland yaan la illoobin dhibaatadii iyo rafaadkii loo soo maray nabadgalyada ay ku nooshahay Somaliland manta,
Waxa se Ayaan darro ah in ciise loogu abaalguday:
1- In dhulkiisa la qaybiyo oo qaybba meel la raaciyo.
2- In dad kale la dul keeno oo ay xakumaan, si badheedh ahna doorashadii ugu danbaysay loogu shubto markay ka biyo diideenna ciidan la dul keenay oo rasaas lagu furay laguna laayay dad rayid ah oo gacmo madhan oo waxba aan gaysan.
3- In goobo ka mid ah dhulkiisa la yidhaahdo la iskama diiwaan galin karo oo way xayiranyihiin si lo raaciyo gobol kale oo beel kale la hantisiiyo. Aduunkana lama arag dad la yidhi meeshaad dagantahay iskama diiwaan galin kartid kamana codayn kartid ee soco oo meel heblaayo tag oo iska diiwaan gali kana codee.

Hadaba gardarrada ka socota cabdi geeddi, 6 goobood iyo guud ahaan gobolka SELEL ee dawladda soomaaliland ka waddo una wakiilatay jabhad beeleedda uu hogaamiyo TIMACADE in ay u itaal sheegato dadka reer kuuraaga , waa in lasoo af jarraa oo jabhadan meesha la qaadaa dadwaynaha gobolkuna helaan wixii ay xaq u lahaayeen oo uu ka mid yahay amniga, waxbarashada,caafimaadka, iyo dhamaan waxa walba oo nolosha assaas u ahlana sinnaadaan gobollada kale.
Waad ogtihiin in qofna xoog iyo cagao juglayn lagaga rari karin dhulkiisa
waxaanad moodaa in Somaliland ku dhaqaaqday waxay shalay ka dagaalantay oo ay beelaha qaar kula dhaqmayso kulana kacdo xaq darro iyo xadgudub,waxaanad mooddaa in somliland ayadoon wali aqoonsi ka helin beesha caalmka in ay ku soo dhacday waddadii burburka iyo kala daadashada.
Hadday siyaasadan dulballaadhisga ah ee dulmiga iyo xaqdarrada xanbaarsan dib uga noqon waydo, xeerka iyo xuduudaha beelaha ukala yaallana ilaalin waydo, rafaadkii iyo dhibaatadii shalay ee SNM soo martay yaan la illoobin. Hora loo yidh:
Laxdii dayrta naaxdaay
Jiilaalbaa danbeeyee
Dacdaradii xagaagiyo
Ha ilaawin dayrtii
Waxaa marag ma doon ah in waddada ay ku taagantahay ay ku ridaysaa tii ay ku danbaysay dawladdii Somalia.
Waxana ku tusayaya :
1- Hogaan xumada ka taagan Somaliland iyo maamulkii oo u gacan galay koox yar oo kalia ka fikirta danahooga shakhsiga oo wax uun boobaya ama aad mooddo in ay leeyihiin dalku uu burburayaaye waxaad ka qabsan kartaan ka qabso.
2- Hurinta coolaadaha ay dhex dhigayaan beelaha wada dagan si loogu mashaquuliyo loona abuuro dhibaatooyin hummaag ah oo aan jirin dabadeedna u madax bannaadaan boobka hantida dadwaynaha oo hadda koox yari si gaar ah ay u yeelatay.
3- Cabudhinta cid walba oo ka hadasha dhibaatooyinka shacabka haysta khaas’ahaan saxaafadda xorta ah iyo suxufiyiinta ka run sheega dhibaatooyinka jira.
Qodobadaas iyo kuwa kale oo badan ayaa saadaalin kara halka Somaliland ku danbaynayso haddii ay ku sii socoto siyaasataa aan kor ku xusnay.

Qalinkii;Saalax Migil.