Heerimaaddee waa Eri ama kalmad af soomaali ah taas oo ah HEERIMAAD (Cadoow)

Saylac(XeerNews24)waxayna wada socotaan oo ay walaalo yihiin ciyaarta Wilwilaha la yidhaahdo mana kala hadhi karaan waxay leeyihiin taarrikh iyo sooyaal maalin qudha wada dhacay wuxuna ku yimid oo u ahaa Eri Af garad ahaa goob colaadeed oo la mal dahayey.
Sidda laga soo xigtay Xeerka iyo Dhaqanka Ciise raggii ruugi jiray waxaa degaanadeena maanta qaybo ka mid ah ka talin jiray boqor ku magac dheera
Aallee- Boore oo sidda la sheego ka dhashay qoowmiyadda Oromodda maanta oo waagi hora la odhan jiray GAALA goobihi uu Aallee-Boore ka talin jiray waxaa soo degey Reer Ciise oo xoola dhaqato ahaa Boqorkii Aalle-Boore ayaa loo sheegey in u dhulka iyo dadka uu boqorka u yahay u soo degey reer aan horay uga mid ahayn dadki u boqorka u ahaa Aalle Boore oo ahaa boqor macangag ah oo naxiir daran gacan bir ahna ku xukumi jiray dadkiisa wuxuu amar ku baxshay in reerkan soo degey loo sheego in u boqor u yahay iyaguna ay ku xukuman yihiin wixii lagu amro oo xeer ah.
Dhaqanka Reerka ciise waxaa ka mid ah in ay si dhab ah u qaataan wixii loogu sheego in u xeer yahay amarka boqorkana waxaa loogu sheegey xeer siddi loogu sheegay ayayna u qaateen ka dibna boqorkii wuxuu soo baxshay amar kale oo ah in reerkan ciise wixii ay caano ka maalaan xoolohoogga ay ku soo shubo god weyn oo sidda barkad oo kale u qotaan MAAGADNA la odhan jiray ciddi amarka boqorka siddu yahay u qaadan waydana ay la kulmi doonto ciqaab aad u daran ciisihiina way yeeleen oo wixii ay caano soo liseen waxay ku shubeen godkii Aalle-booree qotay sidda markay dhacday hadana waxaa loo sheegey in u ciisuhu dhamaantibba isla godkaan u doontaan caanihii ay xoolohooga ka soo liseen si ay caruurtoodda ugu korsadaan tahayna arrintani deeq iyo daryeel Aalle-Boore u fidiyeey reerkan ciise ee deganka ku cusub.
Arrinti waxay u cuntami wayday reerkii-ciise in ay caanihii ay xoolohooga ka soo maaleen ee ilaahay siiyey ay cid kale oon ilaahay ahayn ugu mahad naqaan.
Ka dibna waxay yeesheen shir ay dhacdadan foosha xune kaga arinsanaayaan waxayna go,aan ku gaadheen in maanta wixii ka dambeeya ay jiri doonin caano dambee oo godkii Aallee-Boore lagu shubo sidaas ayayna ku joojiyeen caanihii ay godka ku shubi jireen ee in u xeer yahay loogu sheegey Aallee-Boore marku waayey caanihii Beesha Ciise wuxuu soo diray askar fara badan oo fardooley ah laguna soo amray in ay soo ogaadaan waxaa sababay in la joojiyo caanihii ciisaha askartii marky u yimaadeen ayuu ciisihiina soo bandhigey sababta keentay caana joojiska waxayna sheegeen arrin markiiba horaba ciisuhu la isla meel dhigey taas oo ahayd in ay caanihii xoolaha ciisaha ay dhameen wax aan Aalle-Boore iyo Allah midna garanayn.
Askartii way la yaabtay hadalka ka soo yeedhay afka beesha ciise ee ah in ay caanihii dhameen wax Aalle-Boore iyo Illaah toona garanayn waxayna ku laabteen halkii laga soo diray oo ahayd qasrigii Aallee-Boore waxayna uga warameen sababtii keentay in la joojiyo caanaha markii Aallee-Boore looga waramay sababhii keenay caana joojiska Aalle-Boore ayaa usoo dhaqaaqay xaggi beesha ciise deganayd isagoo wata ciiddamo xoog badan wuxuuna yidhi ii toosa waxaa dhamay caanihii ee aniga iyo Allah toona midna garayn!!!!
Beeshi ciise oo arrinta kasii baaran degtay waxay soo urursheen caruur yar-yar oo aan wali gaadhin af barad laakiin lasii xafidsiiyey ujeedada ciisaha waxana caruurti la soo tugey goobti uu ku sugnaa Aalle-Boore iyo ciidankiisi Aalle-Boore oo awood is bidey ayaa si uu u hubsado waxaa la sheegi in ay jirto iyo in kale ayuu caruurti waydiiyey in ay yaqaanin Aalle-Boore iyo Allah iyo in kale caruurtiina waxay ku jawaabeen Maya, Alle iyo Aalle-Boore midna ma garanayno ayayna caruuti ugu jawaabeen!!
Aalle-Boore oo aad u cadhaysan ayaa waxaa kalee oo uu caruurti waydiyeey haddaba maxaad taqaanin caruurey?
Caruurtina waxay ugu jawaabtay mar kale in ay yaqaanin Caano ay dhamaan oo qudha!!
Aalle-Boore marku ogaaday arrintu meesha ay marayso oo u arkay in ay meeshan ka jirto arrin xukunkiisa iyo boqortooyaddiisa lidi ku ah wuxuu soo saaray amar kale oo u kula coloobay caruurti wuxuuna ku taliyey in maalin walba oo Salaasa ah ciise iyo cusba-yahanba la shidhaysto hal caruur ah oo hilibkiisa dhayladda ahna boqorka loo soo dubo.
Sheegadu markay halka marayso ee ay ciisihii arrintu jiq ku noqotay wuxuu Cali Kalageeye oo geesi col wadeen ahaa ku taliyey in ay horta quladda boqorku ka dhashayay ku biloowdo gawraca wiil yar oo ubadkooga ka mid ah ka dibna yarka ciise ku xigi doono sidaas baana ugu horeynti heshiis lagu gaadhay intaan la gaadhin Salaasadi dambe oo ah doorki wiilka ciise la qali lahaa wuxuu cali kalageeye soo jeediyey in intaan wiilka yar ee ciise la gawricin laga soo mar marsho ciyaar oo ah tan maanta loo yaqaan Wilwile iyo eri bixinta lagu liffaaqay maalintaa ee ah HEERIMMADOOW HANA HABAN NIMAN HELNAY MA HABAYNO oo aan macneeheega soo marnay Cali Kalageeye wuxuu ciise uu sheegey in maalinta la keeno GOCOS (KUBAD) nin walba oo ciise ahna soo qaato bilawihiisa oo si fiican loo soo affeeyey sidaan maantaba ku aragno marka la ciyaari Wilwilaha ragga ciyaari waxay sameeyaan meegaar ama goobab ninka ciyaarina wuxuu ku wareega meegaarka ragga dhexdiisa Cali Kalageeye wuxuu ciisaha ku amray in marku GOCOSTA yar cirka u tuuro uu odhan doono AAR CIISOOW YAA IL iyo OOF LA, oo uu uga jeeday ayaa curyaan ah oon ninkiisa dili karayn!!.
Markay ciyaarti meel fiican marayso ayuu Ali kalageeye kubadi yarayd cirka u tuuray wuxuuna raacsashay AAR CIISOOW YAA IL iyo OOF LA, dadkii ciyaarta daawanaayey ee beesha Aalle-Boore ahaa ee u socday hilibka wiil yar ee ciise waxay mar qudha indhala la raaceen kubadan yar ee cirka loo tuuray oo ay fahmin qorsha ka dambeeya intay indhohoogu ku mashquulsanaayeen kubadda cirka loo tuuray ayuu ciisana la boobay bilaawihii sidda midiilaha loo soo affeeyey oo nin walba wuxuu caloosha ka wareemay kii ku dhawa halka ayuuna ku badbaadi wiilki yara ee la shidhaysan lahaa heerimaadkii dhayla doonka ahna uuska laga soo wada dooxay Aale-Boore iyo boqortooyadiisana ku burburtay.
Qormadda waxaa igu riixay markan arkay odey waayeel ah oo ahaan jiray Generaal ka tirsana ciiddamaddi Poliska soomaaliyeed iyo kan maamulka somaliland oo todoobaadkan hoos ugu soo dalacay darajadda suuldaanimo looguna caleema saaray magaalada Boorama oo xafladdi caleema saarkiisa iyo ciyaarihii goobta lagu soo bandhigey ay ka muuqdeen ciyaartan aan ka soo sheegeynay Wilwilaha iyo heerimaaddeeda oo wada socday,odeygan waayeelka ahi ciisa maaha oo ciyaartan iyo sababtay ku timid meelna kama soo galo haduusan ku abtiran dadkii ay ku soo baxday ciyaartu.
hadaba waxaa ceeb iyo yax-yax ah in waxaanad garanayn macneheegga oo aad hidde iyo dhaqan midna u lahayn oo haddi Su’aal laga waydiiyo aanad jawaab tolmoon ka bixin karayn hadana ku xaragooto waxaas soo kale saw ceeb inteeda leeg maahin addoo generaal ciidaan ahaa oo dadku ku haysteen odey Akademika oo darajo iyo aqoon ciidaan lagugu tumaayey oo shaqo qaran hawl gabeen ka noqdey in aad usoo dalacdo suuldaan beel hoosaad oo u guul wadeeyaa odey Siilaanyo iyo 100$,waa ceeb aad u raad weyn ah in dhaqankii iyo dharkii ay u yaqaneen ciise qaawane maanta laga rujin kari la,yahay oo kuyuu loogu soo wada jiro.