Isku dhicii ka dhashay dandaansiga beesha Sacad Muuse halku maraya?

 

Isku dhicii dhawaan ka  dhaycay degaanka Cabdi Geedi ee ka dhashay dandaansiga
qawan ee beesha Isaaq Sacad  Muuse iyo ciidanka beeleedkeedu ku qaadeen beesha
Ciise,ee sobobay in dad badani ku dhawacmaan,waxaa muuqta inuu maamulku wax
xil ahba iska saarin,waayo waxa ay ahayd arrin la sii ogaa iinay dhacayso.Waxa ay ahayd
in xukumaddu ay dad waxgarad ah u dirto marku  shacabkeedu isku dhacaan.,si xal looga
gaadho,kuwii ka masuulka ahaa isku dhacna la maxakamdeeyo.
Waxaa la ogyahay,in meelo ka mid ah bariga somaliland,gaar ahaan gobolka Togdheer,ay ka
dhaceen isku dhacyo beelaha dega,maamulkuna u diray dad waxgarad ah,si heshiisa looga
dhex dhaliyo beelihii degaaladu dhex mareen,hase yeeshee,isku dhacyada ka dhacaya
degaanadan bariga Lughaya,maamulku cidna uma diro,waayo haddii la rabo in nabad laga
dhex dhaliyo,looma direen ciidan beeleed ciid gaarihii ammar siiyo.,oo ku halgalaya damac
gaar ah.
Beelahani waligood bay ood-wadaag ahayeen,dagaalna ma dhex mari jirin,ee waa la ogyahay
ciidda arrintan dabadda ka riixaysa,ee ololaha ugu jirta in laga xayiro doorashooyin iyo diwaan-
gelintii,ulajeedadooduna,waxa weeye,dad anaga naga tirsan,degaanadas ha degaan,si ay naga
codka noo siiyaan. Ayaan u sheegay inaysan kuwani cod siin doonin. Firradda caynkas ihii
waxa ay ka dhigan yihiin, arrimaha ka dhex taagan ummadda Falstiin,iyo Yuhuudda  ee daanta
galbeel ee Wabiga Urdon. Gabagabadii, tallo ahaan,waxaan u soo jeedinayna maamulka inuu
gacan bir ah kala hortago kuwa colaadda ka dhex abuuraya shacabka,walalaha ah.
Alla Mahadleh
Daljir