ARBACIINA CAAM Baan Calankayga Lulayaa(40jir)

 

 

Calankayga dooga ah
Lagu bilay cadaankee
Cirkoon caad lahayniyo
Xidigtaa casaanka ah
Cidhifkiisa lagu dhigay
Cadaab iyo dhibaatiyo
Ciil baan u soo maray
Cadawbaa cudooniyo
iga dilay cawaaloo
Caradayda soo maray
Iska caabintiisii
Carra daafacaaadii
Geesiyaal cartamayaa
Ka caraabay dunidoo
Ciida ugu dhaadhacay
Calankiina waan helay
Gaalkii cadaa iyo
Cadawgiina waan raray
Xornimaan ku ciidaa
inta cidhifka joogtiyo
Gabi caalamkoo idil
igu wada ciseeyaan
Afartaa cadeeyoo
Ka dul qaaday caadkee

Arbaciina caam baan
Calankayga lulayaa
Arbaciina caam baan
Farxad wada cawaynaa
Arbaciina caam baan
Cashara u dareeraa
Arbaciina caam baan
Aroosya u ciyaaraa
Arbaciina caam baan
Xeer caan ahaa iyo
Dhaqankii caruuriyo
Gabi wada cisaynaa
Arbaciin caam baan
Cawo iyo wax ii maqan
Gorfaheeda cugayaa
Arbaciin caam baan
Anigoon caraabayn
Ciidayda dhaafayn
Calaf igu fillaadiyo
Gobay Caanaheedoon
Calooshayda galiyoon
Hagar li’i ka cuurtaan
Cindigayga galiyaa
Afartaa cadeeyoo
Ka dul qaaday caadkee

Qaar baa u ciil qaba
Cisigaan ku nooliyo
Nabadaan ku ciidee
Eebow cadaawaha
Calankayga baal mari.

Waa gaaxdii : Diirane Caroog