Qoyska Reer Cali-Gurey Oo Baaq U Direy Madaxweynaha JABUUTI
.
Qoyska ilma Cali-Gurey ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle inuu si deg-dega wax uga qabto hantidii dhaxalka ahayd ee aanu lahayn oo na lagu haysto. Sidaa waxay ku sheegeen qoraal ay si wada-jira u soo saareen qoyska reer Cali-Gurey, waxaanu u dhignaa sidan: “Annaga oo ah Qoyska Ilma Cali-Gurey waxaan cabasho ka muujinaynaa Kaalin Shidaal oo aan ku lahayn Xaafadda Gaashaamaale oo ka tirsan Xaafadda Toddobaad ee Jabuuti (Q7) oo ka mid ahayd hantidii aanu ka dhaxalnay aabay Alle ha u naxariiste Cali Amakak Cakaal (Cali-Gurey) oo si weyn looga wada yaqaano Jabuuti. Kaalintan Shidaalka oo uu Alle ha u naxariiste uu aabahay iibsaday sannadkii 1974-kii ayaa waxay ahayd mid kiroole ah, xili waxay u kireysnayd Shirkadda Shidaalka SHELL, marna waxay u kireysnayd Shirkadda OIL-LIBIA, iyada oo marxalada kirada ah ay ku jirto Kaalintayada Shidaalku ayaa Alle ha u naxariiste Aabahayo Marxuum Cali-GUREY Geeriyooday sannadii November 1989-kii. Sidaa daradeed, waxaanu u soo jeedinaynaa Xukuumadda sharafta leh ee uu hogaaminayo Madaxweyne Md. Ismaaciil Cumar Geelle inay arrintayadan si degdega u soo dhexgalaan. Madaxweynaha waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu cimrigiisa dheereeyo cisi iyo sharaf-na aad ku noolaato.” Xigasho:Hayaan. |