Madaxweyne Farmaajo oo goordhow ka dagay Jabuuti & Ismacil Cumar Geelle oo si weyn usoo dhaweeyey.

 

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow safar lama filaan ah ku tagay magaaladda Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa kasoo dhoofay magaaladda Riyaad ee dalka Sacuudiga, kadibna waxaa uu ka dagay magaaladda Jabuuti.

Madaxda dalka Jabuuti oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle ayaa garoonka diyaaradaha si weyn ugu soo dhaweeyay Mudane Farmaajo.

Waxaa jira kulan dhexmaray labada madaxweyne kaas oo arimo badan looga hadlay, waxaana ugu weynaa cilaaqaadka walaalnimo ee labada dal.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la filayaa iney war dhameystiran kasoo saarto booqashada lama filaanka ah ee madaxweyne Farmaajo uu ku joogo dalka Jabuuti.

Farmaajo ayaa safarka uu ku tagay Jabuuti waxaa uu noqonayaa dalkii 9-aadee uu tago inkastoo uu labo mar booqday Sacuudiga waana safarkii ugu horeeyey ee madaxweyne Farmaajo ku booqdo dalka Jabuuti tan iyo markii loo doortay hogganka dalka Soomaaliya.