Farmaajo oo balanqaad ay dad Qaarkii u arkaan maaweela caruureed ka helay Madaxweyne Geele jabuuti.

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa balanqaad uu ku farxo waxa uu ka helay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Mr. Geelle ayaa u sheegay Farmaajo in taageero walbo lala garab taagan yahay islamarkaana si gaar ah dowladda Jabuuti ay dowladdiisa waxyaabo badan uga caawin doonto.

Geelle ayaa u sheegay Farmaajo in ciidamo badan loo soo diri doono, kuwaasi oo la wareegi doona ilaalinta Villa Soomaaliya, bedalkii Uganda, garoonka Aadan Cadde iyo Dekadda Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu Mr Geelle u balanqaaday Farmaajo inuu kusoo wareejin doono diyaarado dagaal oo ay lahayd Soomaaliya, balse burburkii kadib la geeyay Jabuuti.

Sidoo kale waxaa loo balanqaaday in la siin doono hub casri ah, ciidamada xoogga dalkana dib u dhiskooda dowladaasi qeyb ka qaadan doonto.