Jawaab ku socota Xil/bn Cali Araaye oo taageeray in loo dhiso qasri Suldaanka.

 

Awlan,waxaa salaan diirran u soo diraya ummadda Soomaalida dhamaanteed,gaar ahaa, beesha
lagu dhibayo gobolka Salal,ee ka qatan khayraad gobolkooda,ee lagu dhibayo Kastamka Lawyacade
ee lagu sandulaynayo canshuur ayna awoodi karin qaarkood.
Marka labaad,waxaan raba inaan jawaab kooban siiyo Xildhibaan Cali Araaye,oo taageero afka kaliya
ha siiyay, in qasri loo dhiso Suldaanka guud ee qabiilka Isaaq,waxaanan filaya in taageeradda Cali
Araaye iyo diidmadiisu,waxba ka tarayn qasri loo dhiso Suldaanka,hase yeeshee,waxaa fiicnaan
lahayd inuu Cali u ololeeyo,ama u gacan ka geysto,sidii qasriyo loogu xasuusto loogu dhisi lahaa
halyayaddii Ciise,ee ay ka mid ahaayeen Ugaas Xasaan Xersi, iyo Buraale Rooble,Aadan Bile
Obsiye. iyo kuwa kale.Waxaa ku gabagabaynaa halku-dhegii ahaa,
(HASHU NIRIGTEEDA HA ARAGTO.
..
Qore:Warsame.