Madaxweyne Farmaajo oo caawa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Qatar (Sawirro)

 

 

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka soo kicitimay dalka Jabuuti ayaa ku guda jira lugtii 3aad ee safar dibadda ah, kaasoo ka soo bilowday dalka Sacuudiga.

Amiir Qatar Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani ayaa ku casuumay Madaxweyne Farmaajo inuu soo booqdo Qatar, kaddib markii ay maalmo ka hor isku arkeen shirkii Sacuudiga marti geliyay.

Socdaalka Madaxweynaha ee Qatar ayaa ah dalkii 9aad ee uu tago, waxaa uu horay u booqday dalal dhowr ah boqolka maalmood ee uu xafiiska joogo, isagoo booqday dalalka Sacuudiga oo uu labo jeer tagay, Kenya, Jordan, UAE, Turkey, Ethiopia, Jabuuti iyo UK

Waxaa xusid mudan in todobaadkii hore uu dalka Qatar tagay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galay shirka Doha Forum.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliilo uga imaaneysa siyaasiyiinta iyo dadka kale ee falan-qeeya arrimaha siyaasada, maadaama uu balan-qaaday markii uu ololaha ku guda jiray in aanu safaro badan geli doonin, isla markaana dhaleeceeyay safarada badan ee madaxdii hore galeen oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo macno laheyn, balse waxaa muuqata in Madaxweye Farmaajo hada ogaaday in safarada dibadda ay yihiin lagama maarmaan.