Ciidamada Jabuuti oo Xabsiga Dhigay masuul katirsan Maamulka Degmada Jalalaqsi.

Ciidamada Jabuuti oo Xabsiga Dhigay masuul katirsan Maamulka Degmada Jalalaqsi

Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan ciidanka AMISOM ee ku sugan Degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan, ayaa xabsiga dhigay gudoomiye ku xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda ee degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur.

Muran dhex maray ciidanka Jabuuti iyo gudoomiye Ibraahim Madoobe ayaa ka dhashay gabdho ay ciidanka Jabuuti ku dharbaaxeen degmada dhexdeeda, Gudoomiyaha ayaa kasoo horjeestay in ciidanka Jabuuti dhibaato u geystaan shacabka degmada.

Sargaal katirsan ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa amar ku bixiyay in la xiro gudoomiye ku xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda ee degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur, waxaana markii dambe lagu guuleestay in xabsiga laga soo daayo masuulkan.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Jalaqsi ayaa lagu eedeeyay in ay dhibataooyin u geestaan shacabka ku dhaqan degmadaasi, waxaana horey loogu eedeeyay in xabsi Kunteenar ah ku dileen dda shacab ah.