Eeriga Beesha Dhexe Maxaa Looga Jeedda?
In badan,waxaan maqala,eeriga ah beesha dhexe, marka la kala sheegayo beelaha dega
gobooladda waqooyi,horayna loo odhan jiray Somaliland British protectorate,haddana
sheegta jamhuuriyadda Somaliland,hase yeeshee, loo yaqaan maamul ka tirsan
dawladda Federaalka Soomaaliya.
Baryihii hore,marka laga hadlayo,qabiiladda dega Somaliland,waxaa la sheegi jiray qabiilka
magaciisa,oo wax la odhan jiray qabiilka Ciise, qabiilka Isaaq,qabiilka Gadabuursi,qabiilka
dhulbahante iyo qabiilka Warsangeli. Hadda waxaa loo bedelay in la yidhahdo,beesha dhexe
iyo beelaha darfiyadda,iyada oo loo jeedo beesha dhexe inay tahay qabiilka Isaaq.,kuwa
darfyaduna yihiin qabiiladda kale.,taasoo micneheedu yahay qabiilka Isaaq inuu yahay rukunka
dhexe ee maamulka Somaliland, ee talladu ka godo,waayo, waxa darfyada waa laga maarmi kara.
waxaan jira waxyaabo caddaynaya sidas,waxaana ka mid ah madaxweynaha maamulku waa
qabiilkas.gudoomiyaha golaha wakiiladu waa qabiilkas,gudoomiyaha golaha Guurtida waa
qabiikas,gudomiyaasha sedexda xisbi waa qabiilkas,kuwa u tartamaya madaxweynenimada
dhamaatood waa qabiilkas.
Markas suurtagal ma tahay in loo sinaado dalka iyo awoodiisaba,haddii waxwalba ku aruureen
qabiil kaliya,kuwii kalena noqdeen shimbirayahaw heesa oo hees wanaagsan heesa. Arrintan
hadda ka taagan Somaliland,waxa ay u eegtahay tii keentay 1959-kii la samayeeyo xisbi USP.
ee ay bohoobeen qabiiladda kala ah Ciise,Gadabuursi,iyo Daarood. Gabgabadii,waa in la joojiyo
magac-bixinta dhinac u qalooca ee dareen ka gelin kara dadka.
Alla Mahadleh
Qore:Daljir