Nin Wakhti Badan ku Baxshay Qormo uu rabay in ay Dalka Djibouti iyo Maamulka Hargeysa ay siddi Geel Horweyn ah Meel u wada daaqan.

 

Is haybiska , is raadcaynta isuku hilowga dadyawga hide wadaagta ah , isku muuqa, dhaqanka iyo diintaba ah waxa ay astaan u tahay ( in la dagay oo nagi la yahay saxal xun iyo sife colaadeedna xidigiisu dhacay, xidiga horumarka iyo barwaaqa soorankuna dhoolaka soo shitay isagoo tamartiisa u qarxinaya hab tartiib tartiib ah ).

20/5/2017 ay ahayd markii dalka iyo dadka reer somaliland kuwada war-heleen in xubno siyaasiyiin canfar ah , 4 xildhiinada jabuuti oo canfar ah iyo madax dhaqameed door ah oo ra’isal-wasaaraha jabuutina dhawaan ka daba imandoono sida ay sheegeen ceelalyadiisu ayaa dhamaantood qayb ka ah beesha ugu baaxada balaadhan beelaha canfarta jabuuti ee layidhaa ( beesha badwe timaale oo oodohoodii wata ayaa is-haybsi iyo tooyasho kadib isku fir iyo abtirsiinyo noqdeen noqdeen beesha warsan-gali ee gobolka sanaag bari somaliland degta )

Waa xaalad mudan in la soo dhaweeyo, balse xambaarsan midabo badan oo kala jaad-jaad ah, dareeno kala duwan , firi aas u ah midho gadaal la gurandoono kuwaas oo macaan iyo qadhaa dhadhankoodu mid uun qaayibi doono marka ay bislaadaan.

Dawlada jabuuti iyo somaliland hamidoobaan danahan sababaysan dartood!!

Djabuuti waa dawlad rasmiya dunidu aqoonsantahay, ku taal dhuunta marin biyoodka bada cas , istiraatiji kaalinta koowaad ah , dhan walba dunida xidhiidhkeeda ugu furan, baaxada dadkeeda iyo dhulkeeduba koobantahay, dhanka baaxada dhulka waxa ay leegtahay ( baaxada dhul ee gobolka Awdal ku fadhido; hayeeshee dalka jabuuti Awdal baa ka istiraatijiyadsan oo ka kooban guban iyo oogo halka dalka jabuuti gabi ahaanba uu xeeb yahey ).

Dalka jabuuti sababta uu ugu baahi qabo si s/land uu u lamidoobo ??!

Buuraha dhexdoodiyo dhagax baan ku seexdaa
Adna wax ima dhaantide dhulkan hoos u qodan
Iyo dhufays baad u hoyataa
Dhulkan kala fogaadiyo labadeenan kala dheer
Yaa isku soo dhaweeya !!!!!!!!!!!

Waa tuducyo ka mid ah heestii dhul aan ceel la hayn ee ay ku luuqaynayeen ( khadra daahir iyo saado cali naxariistii jano rabi hasiiyee )

1. dalka iyo dawlada jabuuti waxa caqab halis dabeeciya oo daran ku ah ( dooxada rifty valley oo kulayl iyo dillaac dhuleed oo joogto ugu socda hadh iyo habeen duleedka caasimada iyo badhtamaha dalka jabuuti , dillaacaasi oo sabab u ah in dalku gabi ahaan ba biyaha badu kor-maraan mustaqbalka, ama caasimada jabuuti mooyee dalka intiisa kale u ruqdo dhanka africa, biya bada cusub ee la filaayo hoos maro, masiibadan dhuleed waxa ay u badan yahay dhulka canfarta ee sadexda xuduud qaaradeed ku kulmaan ( afar triangle disaster becouse of three tectonic boundary plates meet , Somalian plate, Arabian plate, Nubian plate ) galbeedka magaalooyinka jidhi iyo c/qaadir waxa ah qayb ka mid ah faraca buuraha libaaxley dhanka woqooyi buurta Saaweer ee waqooyi quman ku ah magaalada jabuuti ciridkeeduna ka baxo buurta lawyo cado taxanaheeduna noqdo toddobada jasiiradood ee isdaba yaal bada dhexdeeda waa xuduuda somaliland ee mustaqabla bada cusub ee la filaayo.

2. Dalka jabuuti wuxu u baahi qabaa biyo lacabo oo dheeraad ah, ciida lagu dhiso guryaha, dhawaan ayey jabuuti bilowday in ay iska rogooyin ciida guryaha lagu dhiso ka gurato dooxyada degmada saylac oo dawlada somaliland u ogolaatay, waa baahi ay jabuuti qabto, somaliland ay u fulisay loona baahanyahay intaasi iyo in kabadan in loo hirgaliyo oo danaha jabuuti ah, si midnimo buuxda oo somaliland iyo jabuuti ah loo helo dal kaliyana ay wada noqdaan mustabalka dhaw.

3. dawlada jabuuti waxa ay hada marsooyinkeedii u fidinaysaa dhanka xuduuda somaliland oo ay u filayso in uu yahay kaliya dhulka ammaanka ka ah masiibada dabeeciga ah ee dalkeeda cadaadiska ku haya, taasi oo keenaysa in dawlada jabuuti u baahantahay dhul dheeraad ah oo ay u guurto hab tartiib tartiib ah, waana arin u baahan in la soo dhaaweeyo.

4. canfar somali oo noqday warsangali sababta keentay maanta ayaa qayb ka ah qorshe ceelalyo u ah dawlada jabuuti oo ay ku raadinayso sidii ay ula midoobi lahayd somaliland, madaama oo beesha ciise iyo canfar somali warsan gali noqdeen intuba 2ba qoomiyadood oo asalkoodii hore reer sanaag somaliland ah; waa arin xiisihiisa iyo tixgalintiisa mudan in la soo dhaweeyo.

Kol hadaynu dhuuxiyo dhiigii ka simanahay
Midabkiyo dhawaaqiyo diintaiyo dhalashada
Iyo dhaqan wadaagnahay dhudhunkaad igoysaa
Waa dhantaalankaagee labadeenu dhuuniyo
Moqor baan ka dhiganahay!!!!!!!!!!!

Tani tuducyo ka mid ah heestii dhul aan ceel la hayn ee ay ku luuqaynayeen ( khadra daahir iyo saado cali naxariistii jano rabi hasiiyee )

5. maadaama somaliland ay tahay xuduudii ingiriisku sameeyey 1890, markale somaliland ay tahay somali deegaan iyo dal taala tii ugu horaysay ee xornimo iyo calan qaadatay abid 26/6/1960; hayeeshee waayo aragnimo taban oo soo martay awgeed ku la’dahay illaa maanta aqoonsi caalamiya, dunidana aanay la lahayn xidhiidh buuxa oo rasmiya, waa lagama maarmaan ( in ay qorshaha ku darsato sidii ay u shukaansan lahayd in lala midoobo dawlada jabuuti hadii aqoonsigu raago ama lawaayaba sababtoo ah beelaha harti oo canfar somali ku jirto, beesha isaaq, beesha samaroon iyo beesha ciise intuba waxa ay yihiin dad ehel ah, dal iyo deegaan wadaag ah , isku dhaqan ah iyo dhaleeyo ah dhamaantoodna asal farac u ah gobolka sanaag ) .

6. hadii uu taabo galo is-afgarad mudan iyo wada-xaajood mugleh oo guri dhigiisu yahay midnimo iyo midow 2dad dal iyo 2dawladood
Kaasi oo dhexmara dawladaha jabuuti iyo somaliland; waxa la gud-boon in wada jir madaxda jabuuti iyo somaliland uga wada shaqeeyaan sidii ay dawladaha afrika , ingiriis iyo faransiis iyo dawladaha kale ee dunida ugu qancin la haayeen ( go’aan qaadashada iyo jawi siyaasadeedka cusub ee casriga ah ee ay ku midoobilahaayeen dawladahani ).

7. si loo midoobo in dhulweynaha ( somaliland iyo jabuuti magac cusub ahaan loo bixiyo Djabuuti balse calanku noqdaa calanka maanta ee somaliland sababta oo ah calan tawxiidka rabi leh laguma doorsan karo mid kale ka uu doono ha’ahaadee dunida oo dhan ).

Gabagabo :

Sirta noloshu waa koritaan togan oo tusbax furankiisa iyo saansaankiisu yahay foolaada iyo carfiga saban horu-socod lagu diirsado leh oo gardaadinaya guulo iyo garaado sare; somaliland aqoonsigeedu saban uu yimaadaba iyo si uu ku yimaadaba kaabiga ayuu saaranyahay; sababtuna tahay gufaacooyinka wakhtigu sinyaalaha u sido iyo isbadalada dhinacyada badan ee xawliga uga dhex socda wadamada awooda isugu faana , kuwa dumaya iyo kuwa soo koraya dhexdooda ayuu ka curanayaa hadii rabi xukmo insha’allah.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts