XOG XASAASI AH: Imaaraatka oo loo fasaxay in Weeraro ka qaadi karaan Saldhiga Berbera

 

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Imaaraatka Carabta ay weeraro ka qaadi karto saldhiga laga siiyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera, waxaana la filayaa in saldhigaasi dhawaan la howlgaliyo.


Saraakiil katirsan Maamulka Somaliland ayaa laga soo xigtay in Diyaaradaha dagaalka dowlada Imaaraatka Carabta ay dhawaan si deg deg ah uga duuli doonaan garoonka Diyaaradaha Berbera, waxaana diyaaradahaasi ay fulin karaan duqeymo iyo weeraro kale.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Imaaraatka Saldhiga Milatari ay ka furaneyso Berbera ay u isticmaali karto waxa ay doonto sida tabararo ,howlgalo milatari iyo waxii ay doonaan oo kale.

Saldhiga Milatariga ee dowlada Imaaraatka ka furaneyso Garoonka diyaaradaha Berbera ayaa la sheegay in wali dhismo uu ku socdo, waxaana la filayaa marka uu dhismaha dhamaado in Ciidamada Imaaraatka ka howlgalaan halkaasi.

Ciidamada Imaaraatka ayaa laga yaabaa in Dekadda Berbera ka qaadaan weeraro ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo kamid ah dalka Yaman, waxaana laga yaabaa in saldhigaasi Milatariga ee Imaaraatka saameyn badan yeesho.

Maamulka Somaliland ayaa kula heshiiyay dowlada Imaaraatka Carabta in saldhig Milatari ka furtaan Garoonka Berbera, waxaana Somaliland dhankeeda lagu abaal mariyay malaayiin dollar ay ka heshay heshiiskaasi.