SAWIRRO: Saddex Maalin oo rafaad ah kadib Diyaaradda Turkish oo soo caga dhigatay garoonka Muqdisho

 

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkisha Airlines oo ka mid ah Shirkaddaha Caalamiga ah ee kasoo dega garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ka degi wayday Garoonka ayaa maanta ugu dambeyntii degtay.


Goobjoogayaal ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa inoo sheegay in diyaarada oo rakaab siday Saddex maalin oo is xigta ay ka laabatay Muqdisho ka dib markii ay degi wayday.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxaa mamnuuc ka ah in diyaaradi degto, iyadoo dabeylo badan jiraan, waxaana ay ku degtaa cabir ku saabsan dhanka dabeysha.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka ayaa sheegay in diyaaradda oo ay Saaran yihiin Rakaabkii Saddexda maalin ay lala laabatay in ay saakay kasoo degtay Muqdisho.