Dhacdo Naxdin Leh Police Ka Kenya Oo Geel Badan Ku Laayey Waqooyi Bari

 

In ka badan boqol neef oo geel ah oo la sheegay inay lahaayeen xoolo dhaqato Soomaaliyeed ayaa lagu laayey tuulada Booko oo ku taalla degaanka Tana River ee dalka Kenya.

 

Geelan La Laayey ayaa waxaa la sheegayaa inay dileen ciidamo katirsan Booliska dalka Kenya Mas’uuliyiita laamaha ammaankuna  waxay sheegeen inay baadhayaan falkan.

Cali Waariyow oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya oo laga soo doorto degaanka Tana River ee Geella lagu laayey waxa uu Sheegay inuu indhihiisa ku soo arkay geella la laayey.

“Waa arrin laga xumaado in geel ka badan 105 neef xabad lala dhaco weliba si badheedh ah, wax la qaadan karo oo caqliga geli kara ma,aha dowladana waa iney jawaab ka bixisaa” ayuu yidhi xildhibaanku.

Waxa uu sheegay inuu la kulmay saraaakisha laamaha amaanka Kenya ayna u sheegeen iney baadhitaan wadaan dibna ka soo sheegi doonaan sida ay wax u dhaceen.

Ciidamada Kenya ayaa howlgalo kala duwan ka wado qeybo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari halkaasoo dhowr mar ay weeraro ka geysteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka Soo Gudbay Xadka Soomaaliya