Akhri-Min Madaxwayne Illaa Xildhibaan Masuuliyiinta Ugu Sarreeya Maamulka Hargeysa Oo Dhamaantood Sita Baasaabooro Ajnabi Ah Iyo Kuwa ugu Hooseeya oo Sita Baasboorka Jabuuti
/in WARAR/NEWS /von admin
Madaxwaynaha, Kuxigeenka, Wasiirka Madaxtooyada, Maaliyadda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Qorshaynta, Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeenada iyo Xildhibaanada Haysta Dhalashooyinka Ajaanibka Ah
Sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, waxaa Madaxwayne kasta oo la dooranayo, xildhibaan wakiilada ah iyo xubin kasta oo ka tirsan golaha wasiirrada looga baahan yahay inaanay haysan jinsiyadda ama dhalasho waddan kale oo aan Somaliland ahayn.
Shuruudda ugu horasay ee uu dastuurka qaranku ku xidhay madaxwaynaha, kuxigeenkiisa, xildhibaanada iyo golaha wasiirrada ayaa ah inay yihiin muwaadiniin aan haysan jinsiyado kale, taasoo ka dhigaysa in Madaxwaynaha Somaliland ee hadda Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xildhibaano ka tirsan wakiilada iyo inta badan xubnaha golaha wasiirrady ay ku sugan yihiin xaalad sharci-jabineed, maadaama ay haystaan jinsiyadaha dalal kale oo shisheeyey, waxaanu halkan idinkula wadaagi doonaa xubnaha ugu sarreeya ee haystan dhalashada dalalka shisheeyey ee xilalka ka haya Somaliland.
-
Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu ku safra wataana baasaboor diblomaasi Soomaali ah oo ciqaamad ama degenaansho ingiriis ahi saaranyahay.
-
Madaxweyne ku xigeen Baasaboor Djibouti Ah
-
Wasiirka madaxtooyada baasaboor ingiriis ah
-
Wasiirka arimaha dibada baasaboor ingiriis ah
-
Wasiirka arrimaha gudaha baasabor ingiriis ah
-
Wasiirka qorshaynta baasaboor ingiriis ah
-
Wasiirka gaashandhiga baasaboor ingiriis ah
-
Wasiirka cadaaladda baasaboor ingiriis ah
-
Wasiirka maaliyadda baasaboor ingiriis ah
-
Wasiirka ganacsiga baasaboor Ethiopian
-
Wasiirka shaqada baasaboor Swedish
-
Wasiirka duulista baasaboor Jibouti ah
-
Wasiirka warfaafinta baasaboor maraykan ah
-
Wasiirka caafimaadka baasaboor maraykan ah
-
Wasiirka deegaanka baasaboor maraykan ah
-
Wasiirka golayaasha baasaboor ingiriis ah
-
Wasiirka boosaha baasaboor Jibouti ah
-
Wasiirka waxbarashada Somaliland baasaboor Jibouti
-
Wasiiru dawlaha waxbarashada baasaboor ingiriis
-
Wasiirka macdanta baasaboor maraykan ah
-
Wasiirka wershadaha baasaboor Jibouti ah
-
Wasiirka xananada xoolaha baasabor Jibouti
-
Wasiirka cayaaraha baasaboor Jibouti ah
-
Taliyaha sirdoonka baasaboor Ethiopian ah
-
Guddoomiyaha bangiga baasaboor ingiriis
-
Afhayeenka madaxtooyada baasaboor ingiriis
-
Xeer ilaaliyaha guud baasaboor ingiriis ah
-
Safiirka Jibouti baasaboor ingiriis ah
-
Safiirka Emirateka baasaboor ingiriis ah
-
Safiirka SL dalka UK baasaboor ingiriis ah
-
Safiirka SL Ethiopia baasaboor ingiriis ah
-
Safiirka SL Sweden, baasaboor Swedish ah
-
Safiirka SL Maraykan, baasaboor maraykan ah
Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Kulmiye baasaboor Jibouti ah
Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiiladda baasaboor Finnish ah (Finland)
Ku xigeenka musharaxa Madaxweyne xisbiga WADDANI baasaboor ingiriis ah
Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga UCID Baasaboor Finnish ah Finland
Guddoomiyaha golaha guurtida baasaboor ingiriis ah
Guddoomiye ku xigeenka 1aad golaha wakiiladda baasaboor Canadian ah, %70 xildhibaanadda golaha wakiiladdu baasabooro ingiriis, Dutch, Swedish, Danish, Jibouti, Ethiopian iyo maraykan.
Sidoo kale xogtan oo aanu ka soo xiganay wariye Maxamed Xasan Diridhaba oo ah muwaadin degan dalka ingiriiska ayaa sheegaysa in Wasiir ku xigeenadu %90 haystaan baasabooradda Ingiriiska, maraykanka, Canada, Jibouti iyo Ethiopia.
Halkan kaga dheeho muwaadin, qodobada dastuurkeena ku jira ee sida tooska ah u cadaynaysa inaanu Muwaadin dhalasho kale haystaa xil ka qaban karin Somaliland.
Qodobka 82-aad, faqradiisa 1-aad ee dastuurka Somaliland oo ka hadlaysa shuruudaha madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa u qoran sidani
Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka buuxiya shuruudaha soo socda:
1.Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.
Qodobka 41-aad ee dastuurka Somaliland faqradiisa 2-aad oo ka hadlaysa shuruudaha xubinta golaha wakiiladda ayaa sidoo kale u dhigan sidani
Qofka isu-taagaya xubinimadda Golaha Wakulada waa inuu yeesho shuruudaha soo socda:
-
Inuu Muwaadin yahay, da’diisuna ka yaraan shan iyo soddon sano {35 sano}.
sidoo kale dastuurka Somaliland qdobkiisa 94-aad faqradiisa 5-aad oo ka hadlaysa cidda qaban karta xubin golaha wasiiradda ah ayaa u dhigan sidani:
-
Qofna looma magacaabi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aanu buuxin shuruudaha ku xidhan qofka loo dooranayo Golaha Wakiilada.