Taliska AMISOM oo ku dhawaaqay inay qaadayaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Taliska Guud ee AMISOM ayaa maanta ku dhawaaqay inay qaadayaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab, inta lgu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Jen. Cusmaan Nuur Subagle Taliyaha Guud ee AMISOM ayaa maanta ka sheegay magaalada Baydhabo inay isku diyaarinayaan howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa kulan kula qaatay magaalada Baydhabo saraakiil ka tirsna milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howl gala magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in saraakiisha uu kala hadlay sidii loo qaadi lahaa howl gal ka dhan ah Al-Shabaab, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan

Waxaa uu sheegay in saraakiisha labada dhinac uu kala hadlay sidii loo furi lhaa waddooyinka xiran, si dadka ku xaniban deegaanada loo gaadhsiiyo gargaar deg deg ah.

AMISOM ayaa dhowr jeer hore sheegay inay qaadayaan howl gal ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana la xusuustaa in dhowaan isaga soo baxeen deegaano ay gacanta ku hayeen.