Wararkii Ugu Dambeeyay ee 80 Qof oo ku dhimatay Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Madaxtooyadda Dalka Afghaanistaan.
Waxaa faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaadhi loo adeegsaday oo ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada dowladda Afghanistan ee Magaalada Kabul
Qaraxan oo la tilmaamay in uu yahay mid kamid ah kuwii ugu weynaa ee Kabul ka dhaca ayaa ruxay Goob amaankeeda si weyn loo adkeeyo oo ay ku yaalaan safaarado iyo xarumo dowladeed oo muhiim ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in khasaaraha ka dhashay qaraxaas u sii kordhay islamarkaana uu haatan marayo ilaa 80 ruux oo dhimasho ah halka dhaawacuna uu gaadhaayo ilaa 300 oo Ruux.
Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Kabul ee dalkaas Afghanistaan ayaa War-Baahinta u sheegay in qaraxaan uu ahaa mid xooggiisa Guud ahaan lag dareemay Magaalada Kabul islamarkaana lala beegsaday banaanka madaxtooyada oo ay sidoo kale u yaalaan Safaarado badan oo ay leeyihiin dowladdaha Caalamka qaarkood.
Gaadiidka Gurmadka iyo Ciidamada Booliiska dowladda Afghanistan ayaa weli ku howlan qaadista iyo daadgureynta dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.