Daawasho wacan faddexad iyo bahdil Mar kale ka dhex dhacay Djibouti iyo Maamulka Hargeysa taas oo ah in loogu Yeedhay Soomaalia iyo madaxweyne ku Xiggenka Hargeysa Videoga ka Muuqda laakiin aan la soo hadal qaadin iyadoo la og yahay in ay ka dhaceen waraaqihii Djibouti waa markii Koobaad ee uu yimaad Djibouti tan iyo markii uu boobay Doorashu ku sheegi golaha deganka saylac oo ila maanta degi la,

 

 

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo Marti qaad ka helay Wasiirka Gaadiidka iyo Hawlaha Guud ee Jabuuti Maxamed C/qaadir muuse, ayaa gaadhaay Dalkaasi Jabuuti.

Wasiirka Duulista Somaliland waxaa garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gadiidka iyo Hawlaha Guud ee Jabuuti, intaasi kadib Wasiirka Duulista Somaliland oo uu safrkiisa ku wehelinaayo Agaasimaha Waaxda Saadasha Hawada ee Wasaarada Duulista Somaliland C/rashiid Cali Xadi ayaa loo galbiyey dhanka Wasaarada Gaadiidka Iyo Hawlaha Guud ee Jabuuti, halkaas oo ay kulan ku qaateen labada Wasiir iyo Agaasimeyaasha saadasha hawada ee labada Dal, waxana la isla meel dhigay in la wadaago macluumaadka casriga ah ee saadasha hawada.

Labada Wasiir oo ay wehelinayaan Agaasimayaashoda dhinaca saadasha hawada, ayaa ayaa booqday Xarunta saadasha hawada ee jabuuti halkaas oo ay geed astaan u ah bilawga xidhiidhka cusub ka wada beeren labada dhinac.

Wasiirka Duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi:- „Dawlada Somaliland gurmad badan ayey ka sameysay abaaraha  lakiin waxaanu daruuri u aragnay in si cilmiyan ah talaabo loo qaado, markaa waxaanu doonaynaa in aanu aasaasno xafiiskii sadaasha hawada ee Somaliland oo Wasaaradayda hoos imanaaya, baryahaba daraasad ayaanu wadnay,”

Wasiir Faraxaan oo ka hadlaaya soo dhaweyntii loo sameeyay, ayaa waxa uu yidhi: “ Wasiir Maxamed si fiican ayuu noo qaabilay oo uu noo soo dhaweeyay marti qaadkiisa ayaanu ku nimi, waxaanay noo balan qaaden Dawlada Jabuuti oo Wasiirku wakiil ka yahay, in Tababarada iyo waayo aragnimada in aanu is waydaarsano in ay gacan naga siinayso.”

Waxaa sidoo kale hadaladisii ka mid ahaa Wasiir Farxaan “ Duruufaha isbadalka cimilada ka dhashay ee abaartu ka mid ka tahay iyo roobabka dabaylaha wata ayaa sanadihii ugu danbeeyay inagu soo noqnoqday waa qadar Allah.

Isagoo qadarkaas aynu aminsanahay hadana waxa masuuliyadu ina faraysaa in iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka casriga ee hawada lagula socdo si looga sii gaashaaman karo intii awoodu saamaxdo duruufahaas.

sababtaas ayaan safar shaqo oo 2 cisho ah ku joogaa dalka walaalaheen ee jaarka aynu nahay ee jamhuuriyada Jibouti.

Safarkayga oo uu igu weheliyonaayo agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee wasaarada waxa uu ku yimi martiqaad rasmiya oo uu noo soo diray wasiirka gaadiidka iyo hawlaha guud ee dalka jibouti mudane Maxamed Cabdulqaadir muuse xilim, ujeedaduna tahay sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen xoojinta iyo tayaynta la socodka saadaasha hawada.

Wasiirku waxuu igu qaabilay Madaarka oo aanu uga gudubnay xarunta wasaaradiisa halkaas oo aan kula kulmay madaxda guud ahaan wasaarada.

Kulanadaaas gorfaynta ah ka dib waxaan uga gudubnay xarunta saadaasha hawada ee jabouti, halkaas oo warbixin dheer ay naga siiyeen siday u shaqayso.

Ugu danbayn waxaanu wasiirka saaka kala saxeexanay heshiis iskaashi oo ah in soomaaliland iyo Jabouti iska kaashadaaan dhinacyada tababarada iyo aqoonta lagula socdo saadaasha hawada.

Ka wasaarad ahaan iyadoo imika gacanta lagu hayo aasaaska xarunta saadaasha hawada ee wasaarada( Meterology) waxa heshiiskani siinayaa fursad in ay xaruntaasi dhakhso cagaha isugu taagto si bulshadeena ay u hesho xog la xidhiidha duruufaha isbadalka cimilada.“.

Ugu danbayantii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Gaadiidka iyo Hawlaha Guud ee Jabuuti Maxamed C/qaadir muuse oo yidhi:- “ saadasha hawada in aanu isla qaybsano Jabuuti iyo Somaliland waxanaanu gaadhanay in aanu gaadhsiino meelaha aanu gaadhnay walaaladen, abaarta meesha ka dhacdayna waanu ka xunahay, si aad u ogaataan Jabuuti iyo Somaliland xidhiidh fiican ayaa ka dhaxeeya, waa laba wadan oo walaalo ah waanu idin garab  joognaa gacantana waanu idin qabanaynaa.