40 Sanno guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidamada Jabuuti oo Beledweyne lagu xusay.
Munaasabadan oo aheyd mid loogu dabal degayay 40 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la As Aasay Ciidamada dalka jabuuti ayaa lagu qabtay Xaruunta Taliska Ciidamada AMISOM ee duleedka Magalaada Baladweyne.
Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM,Maamulka waxgaradka Gobolka,ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan,saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka itoobiya.
Goobta Munaasabada ka dhaceysa ayaa waxaa gaado ka ciyaar ku soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka jabuuti.
Taliyaha qeybta Afraad ee Ciidamada AMISOM Maxamed Cilmi habane ayaa sheegay in marka laga soo tago in ciidamada jabuuti ay difaacayaan dalkooda dhanka kale ay kaalin weyn ka qaadanayaan soo celinta nabad galyada Somalia waxan u sheegay in ciidamada jabuuti Somalia aysan ka tagi doonin ilaa laga helayo nabad waarta.
Sannadkan oo Kale marka la gaaro sannad guurada ciidamada jabuuti ayaa si weyn looga xusa Magaalooyinka ay Ka joogaan Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan,