50 Askari oo Ciidamada Puntland ah oo lagu dilay dagaalkii Af-urur sawirro.

 

Waxaa sii kordhaya Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaal xoogan oo saakay aroor hore dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Af Urur ee gobolka Bari, halkaas ay dagnaayeen ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland.

Dagaalka ayaa ahaa mid lagu kediyay ciidamada Puntland oo aysan horey uga warqabin, waxaana ciidanka weerarka lagu bilaabay iyaga oo inta badan ay hurdaan sida laga soo xigtay saraakiil katitrsan ciidamada maamulka Puntland.

Sida aan Wararka ku heleyno dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Al Shabaab ayaa socday in ka badan labo saacadood, dagaalyahanada Al Shabaab ayaana la xaqiijiyay in ay la wareegeen deegaanka dagaalka uu ka dhacay ee Af Urur.

In ka badan 50-askari oo katirsanaa Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaasi lagu dilay, waxaana xarumaha caafimaadka gaar ahaan Isbitaalka Degmada Carmo la geeyay dhaawacyada 38-askari oo katirsan Ciidamada Puntland.
Dagaalyayhanada Al Shabaab ayaa dhankooda waxaa weerarkaasi kasoo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, waxaana aagii lagu dagaalamay wali yaala meydad sida aan wararka ku helnay.

Wasiirka Amniga Punland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa Shir Jara’id oo uu ku qabtay Magaalada Garowe ku shaaciyay inuu Dagaalkaasi ku jabiyeen Kooxdii weerarka ku soo qaaday, wuxuuna sheegay in in ay jiraan Khasaaro soo gaaray ayna ku wadaan baaritaan.

Afhayeenka howglada kooxda Al Shabaab Abuu Muscab ayaa dhankiisa sheegay in dagaalkaasi ku dileen 61-askari oo katirsanaa Ciidamada Puntiland ,sidoo kale dagaalkaasi ku qabsadeen in ka badan 10 gaari oo nuuca dagaalka.
Dagaalkan saakay aroor hore dhax maray ciidamada Puntland iyo kuwa Al Shabaab ayaa la sheegay in uu ahaa mid kamid ah dagaaladii ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa ee mudooyinkan labada dhinac dhax mara, waxaana arintan shir deg deg ah ka leh madaxda maamulka Puntland.

 

 

 



 

Ahmed Roble