Dowladda Jabuuti oo Talaabo Ogol-diidan ah uu Qaaday Dhanka Sacuudiga Xiisada diblomaasiyadeed ee dalka Qadar.

 

Dowlada Jabuti ayaa taalabo Ogol-diidan ah ku taageertay Sacuudiga hoosna uu dhigtay xidhiidhkii   diblumaasiyeed ee ay la lahayd wadanka Qadar oo haatan xidhiidhkii uu la lahaa wadamo badan oo bariga dhexe uu xumaaday.

Jabuti ayaan si rasmi ah xidhiidhka diblumaasiyada ugu jarin dalka Qadar sida ay sameeyeen wadamada Sacuudi Carabiya,Imaradka Carabta, Masar,Yemen,Libya,Meldevis iyo Mouritania.

Qatar iyo Sacuudigu Jabuuti waxay ugu fadhiyaan muhiim wayn waxay jabuuti ka tageeraan dhicya badan oo leh xaga wax barashada,caafimaadka, oo dadka reer jabuuti aaminsan yihiin in sacuudigu aad uga horeeyo Qatar,laakiin waxaa lama horaan ah oo qof walba reer jabuuti ahi ka dhegreegsan yahay in ay dawlada Qatar ay dawlada jabuuti uu leedahay muhiim gaar ah oo ah arrinti dalka Erreytaria iyadoo ay sohdinta jabuuti iyi Erretrea ay ku sugan yihiin ciidama ka socda dalka Qatar oo ilaaliya xadka labada dal ee Jabuuti iyo Erretrea hadday Qatar ciidamadeeda kala baxdana waxaa jabuuti soo food saari doona culus iyo xiisaab kale oo maanta meesha ka muuqan.

Sidoo kale wadanka Senegal ayaa dib ugu yeedhay safiirkii uga wakiilka ahaa wadanka Qadar si ay wadatashi ula yeeshaan.

Wadamo badan oo qaarada Afrika ayaa laga cabsi qabaa in ay xiriirka u jaraan wadanka Qadar iyadoo weli ay wadamada Khaliijka ay wadaan dadaalo diblumaasiyeed oo ay ku go’odoominayaan dalka Qadar.

Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in qofkii lagu helo inuu taageero u muujiyo dalka Qadar uu mudanayo xabsi gaaraya 15 sano.

Weerar maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka dalka Iran iyo dhismaha qabuuraha hogaamiyihii hore ee dalka Iran Ayatollah Khumeyni ayay dowlada Iran ku eedeeysay wadanka Sacudi Carabiya inuu ka dambeeyay weerarkaas.

Dabley hubeysan oo weerar ismiidaamin iyo dagaal toos ahba la gashay ciidamada ilalaada dalka Iran ayaa waxaa ku dhintey 12 ruux iyadoo weerarkaasna uu ahaa kii ugu horeeyay ee ururka IS uu ku qaado dalka Iran.