Wadan ku yaal Bariga Afrika oo raga Bidaarta leh Malagoogu Galay

 

 

 

Wararka ka imanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in dadka bidaarta leh loogaga digey in la ugaadhsan karo kadib markii dhowaan saddex ruux oo bidaar leh loo diley bidaartooda awwgeed.

Labo ruux oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falka lagu diley saddexdan ruux ee bidaarta lahaa ayaa Booliska Badhtamaha dalka Mozambique magaalada Milange ay gacanta ku soo dhigeen.

Raggan la soo qabtay ayaa la sheegay in yihiin dhalinyaro da’adoodu ay tahay labaatan jiro sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

“Waxaa dadka qaar ay aaminsan yihiin in Madaxa qofka bidaarta leh uu  ku dhex jiro dahab,”ayuu yidhi  Afonso Dias, taliyaha ciidamada Booliska Mozambique ee badhtamaha gobolka Zambezia.

“Dadka qaar ayaa aaminsan in raga bidaarta leh ay yihiin dad qani ah waxayna ka haystaan fikrado qalad ah ,”ayuu ku daray taliye  Dias oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Mozambique ee  Maputo.

Afhayeen u hadlay Maamulka gobolka dhexe ee dalka Mozambique Miguel Caetano ayaa u sheegay AFP in mid ka mid ah saddexda ruux ee loo diley bidaarta awwgeed laga jaray madaxa kadibna qeybo ka mid ah laga qaatay.

Qeybaha laga jaray madaxa ayaa la sheegay in dad saaxiriin ah ka sii iibiyaan macaamiil la sheegay in ay ku nool yihiin wadamada Tanzania iyo Malawi.

Qaar kamid ah wadamo ku yaal qaarada Afrika ayaa hore waxa ay u ugaadhsan jireen dadka midabka casaanka leh ee loo yaqaan Albinaha balse waa markii ugu horeysay ee la sheego in raga bidaarta leh ay naftoodu halis ku jirto.