Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii deegaanka Af-urur, Puntland oo 50 askari loogu dilay.

 

 

 Faah faahin dheeraaad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari, kaasoo qiyaastii 80Km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaankaas oo ku dhow buuraha Galgala.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado badan qaatay ay Al-Shabaab kula wareegeen saldhiga, waxaana go’an isgaadhsiinta deegaanka.

Illaa 50 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la sheegayaa in looga dilay dagaalka, waxaana khasaaraha soo gaadhay Ciidamada Puntland uu yahay kii ugu badnaa abid hal goob tiro intaas la eg askar looga dilo.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda xaqiijisay inay ciidanka Puntland ka dishay 61 askar, ayna ku furatay saanad milateri oo ay ku jiraan gaadiid dagaal.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee Reuters Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Af Urur.

Ciidamo fara badan oo kuwa Puntland ah ayaa ka baxay magaalada Boosaaso, kuwaasoo gurmad ahaan ugu socda deegaanka lagu dagaalamay.

Dhinaca kaleMadaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Golaha Wasiirada Puntland, iyagoo ka arrinsanaya dagaalka deegaanka Af urur.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalka iyo khasaaraha ciidamada soo gaadhay.