Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Waa Maxay Sababta ay Qadar ugu dhuti doonin go’doominta dalalka khaliijka?

9. Juni 2017/in Qormooyin/Articles /von admin

Dalka Qatar waxaa xidhiidhkii diblomaasiyadeed  u jaray illaa 9 dal, Qatar waa dal yar oo dadkiisa lagu qiyaaso 2.7 Milyan, waxaa madax ka ah Amiir Tamiim Bin Xamad oo talada qabtay 2013-kii.


Laga soo bilaabo subaxdii Isniinta markii ay dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Bahrain, Masar iyo Yemen  xidhiidhka u jareen dalkaasi, waxaa ku soo biiray dalal kale sida  Libya, Mauritania, the Maldives iyo Comoros kuwaas oo iyaguna si toos ah dalka Qatar ugu jaray xidhiidhkii diblomaasiyadeed halka Djibouti iyo Jordan ay hoos u dhigeen mataallada xagga diblomaasiyadda, waxaa sidoo kale safiirkeeda u yeedhay dalka Senegal.

Dalka Qatar waxaa hadda saxiib ugu dhaw dalalka Kuwait, Iran iyo Turkiga, inta kale dalalka dariska la ah waa ay jareen, walaaca ugu badan ,

waa sidee ku badbaadi karaan dal iyo dad ahaan?

Ma haystaan keyd ku filan?

Hadaba, dhaqaalaha dalka Qatar ayaa la sheegayaa in aanu u dhuti doonin go’doominta Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn  oo dalalkaasi 3da ah marka la isku daro ay dhigan tahay 10% ganacsiga ay Qatar la wadaagto caalamka intiisa kale.

Marka aad fiiriso dhinaca Tamarta, Qatar waxaa ay ku jirtaa kaalinta 12 keydka gaaska caalamka, waxaa ay kaalinta 1aad caalamka ka tahay wax soo saarka gaaska dareeraha ah.

Dhinaca kale, xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya Khaliijka iyo Qatar waxaa ka badan midka ay Doxa la wagaato caalamka intiisa kale, waxaa ayna carabta oo dhan uga horeysaa suuqa tartanka, horumarka bulsho.

Ganacsiga Doxa iyo Khaliijka dhexmara waxaa uu gaadhayaa 10 Bilyan oo u dhiganta 11% halka  iskaashiga dhaqaale ee  Qatar iyo dunida  dhex mara uu gaarayo 89%.

Hadaba Halkan Ka Akhriso, Shaxda Dhaqaalaha Xooggan Ee Qatar:

Sida ay sheegay IMF-ta, wax-soo-saarka dalka Qatar ee sanadkii waa 170 Bilyan oo Dollar, halka dakhliga qof ahaan uu gaarayo 129 kun oo Dollar.

Gaaska:

Dalka Qatar keydka xagga Gaaska ah waxaa uu gaadhayaa 2.4 trillion cubic feet , dalkan Qatar waxaa haystaa 12% keydka Gaaska caalamka, waxaa ka horreeya dalalka Ruushka iyo Iran.

Gaaska noociisa dareeraha ah ee <strong>liquefied natural gas (LNG)</strong> Qatar waxaa ay ku jirtaa kaalinta 1aad caalamka iyada oo soo saarta sanadkii 77 million tones.

Dhaqaalaha Qatar kuma tiirsana oo keliya Tamarta ee waxaa ka badan wax soo saarka aan tamarta ahayn, tusaale ahaan dhaqaalaha uu tamarka ka helo dalkaasi waa 39% , waxyaabaha aan tamarta ahaynna waa  61%.

Dhaqaalaha Aan Tamarta Ahayn:

Sanduuqa ama hantida ma guurtada ah ee Qatar waxaa lagu qiyaasaa illaa 335 Bilyan oo Dollar.

Mashaariic la xidhiidhdha koobka adduunka waxaa ay ku bixiyeen 98 Bilyan oo Dollar, waxaana la filayaa in sanadkan ay bixiyaan 13 Bilyan oo Dollar.

Dalka Qatar marka la fiiriyo suuqa tartanka, waxaa ay kaalinta 1aad uga jiraan carabta, dunidana kaalinta 13aad.

Horumarka banii’aadamka waxaa ay Qatar ku jirtaa kaalinta 1aad dhanka Carabta halka caalamka ay uga jirto kaalinta 33aad.

Firficoonaanta dhaqaalaha waxaa ay ku jirtaa kaalinta 2aad Carabta halkan dunida ugu jirto kaalinta 12aad.

Xidhiidhka Ganacsi ee Dunida:

Qatar waxaa ay xidhiidh ganacsi la leedahay wadamo badan oo caalamka ah sida: Jaban, Hindiya, Shiinaha iyo dalal kale, waxaase dalalka ugu badan ka mid ah:

Jaban: $17.7 Bilyan , Koonfurta Kuuriya: 16.2 Bilyan, Hindiya: 11.2 Bilyan  iyo Shiinaha: 8.2 Bilyan oo Dollar

Ganacsiga Doxa iyo Khaliijka dhexmara waxaa uu gaadhayaa 10 Bilyan oo Dollar u dhiganta 11% halka dunida iyo Qatar iskaashiga dhaqaale ee dhex mara uu gaarayo 89%.

Dalalka Khaliijka tusaale ahaan haddii aan soo qaadano, Sacuudiga iyo Qatar waxaa dhex mara 1.9 Bilyan oo Dollar, Imaaraadka: 7.1 Bilyan oo Dollar iyo Baxreyn: 0.7 Bilyan oo Dollar.

Qatar iyo Imaaraadka:

Dhankeeda dalka Qatar  xidhiidhka uma jarin Imaaraadka, waxaa jira in Qatar ay Imaaraadka siiso 30% tamarta dalkaasi laga isticmaalo , iyada oo isticmaaleysa subsea pipeline, oo gaadhaya 364 kilometers (226 miles) kana soo baxa Ras Laffan oo qatar ah illaa Abu Dhabi ee Imaaraadka, waxaa uu xambaarsan yahay 2 Bilyan  cubic feet of gas ah .

Siyaasad ahaan, Sacuudiga waxaa uu wataa shuruudo aad u adag si uu ula heshiiyo dalka Qatar, in kasta oo aan la hubin shuruuradaha saxda ah, laakin dadka wax falanqeeya waxaa ay ku soo koobeen 9 qodob:

Xidhitaanka Telefishinka Al-jazeera ama badalidda siyaasadda tifaftirka.

In ay xidhiidhka u jaraan Ikhwaanka Musliinta, Xamaas iyo kooxaha kale.

In ay Xidhiidhka u jarto dalka Iran

In aaney faragelin siyaasadaha dalalka Khaliijka

In ay Siyaasadaheeda la Jaan-qaadaan Khaliijka

In ay joojiso Maalgelinta argigixisada

In ay fuliso heshiiska 2014-kii

In ay dalka Masar faragelinta ka deyso

In ay xidhaan xisaabaadka Bangiyada ee Xamaas.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/doha.jpg 194 259 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-06-09 11:07:472017-06-09 11:07:47Waa Maxay Sababta ay Qadar ugu dhuti doonin go’doominta dalalka khaliijka?

raadin

warki u dambeeyey

  • Daawo Sawirrada iyo Sidda looga Ciiday magaalada Shiniile.
  • Casrigii Dullinimadka Cadawga  iyo Doqonnimada Reer Sitti.
  • Bahda XeerNews24 iyo Hawlwadeenadeedu waxay akhristayaasha ugu Hambayeynayaan munaasibada Ciidal-Fidri.
  • Magaalada Biki oo taarikhdda biyo galin yeelatay.(Sawirro)
  • In ka badan 190-Xildhibaan oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

kaydka wararka

  • Mai 2022
  • April 2022
  • März 2022
  • Februar 2022
  • Dezember 2021
  • November 2021
  • Oktober 2021
  • September 2021
  • August 2021
  • Juli 2021
  • Juni 2021
  • Mai 2021
  • April 2021
  • März 2021
  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

AKHRISO: Sacuudiga oo Dab ku shiday Khilaafka Qatar, Soona Bandhigay Magacyo... Daawa naxdinta iyo Maroora Dilaac Haysta Dhalinta Soomaaliyee ee dalka Liib...
Nach oben scrollen