DHAGAYSO: Eriteria oo Ka Laabatay Go’aankii hore ee Khilaafka Carabta, Jawaabtii Wadamada Afrika & XOG CUSUB
Dowladda Eriteria ayaa si deg deg ah ubadashay Mowqifkii dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka iyadoo la safatay garab kamid ah wadamada is-hayaha.
Horey ayay dowladda Eriteria usheegtay Iney iska diideen dalab uga yimid xulifada Sacuudiga oo ahaa in xariirka ay ujarto dalka Qatar laakiin waxaa ay sheegeen iney dhex dhaxaad ka yihiin.
Si kastaba, War kasoo baxay madaxtooyada Casmara ayaa lagu sheegay in dowladu ay go’aankaas ka laabatay isla markaana ay la safatay xulifada ay hogaaminayaan SACUUDIGA iyo IMAARAADKA.
“Go’aanka arinta Khaliijka waa in looga gaaraa si taxadar leh, … Eritrea, ahaan waxaan si buuxda utaagereynaa Sacuudiga iyo dowladaha kale ee xariirka ujaray Qatar” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladdas.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Warkan ayaa kusoo aaday maalin ka dib booqashadii ay saraakiil Qatari ka socda ku tageen magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa iyagoo raadinaya taageero.
Sidoo kale amiirka Abu Dhabi (UAE), Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa qadka taleefanka kula hadlay Ra’isul Wasaaraha Ethiopian Hailemariam Desalegn, laakiin waxaa uu usheegay inuusan dhinac gaar ah taageereyn.
Wadamada kale ee Afrika ayaa isha ku haya xaalada Khilaafa, dalka Chad ayaana dib ugu yeeray safiirkoodii Qatar halka Senegal ay dhankeeda ku amartay in Safiirkeedii Sacuudiga uu soo laabto.
Mauritania, oo xubin ka ah Dalalka Carabta ayaa xariirka ujartay Qatar iyadoo raacday dalalka Saudi Arabia, Imaaraadka, Bahrain & Masar – Halka sidoo kale dalka Gabon uu cambaareeyay xukumadda Doha.
Madaxweynaha Guinea President Alpha Conde ayaa ugu baaqay dhinacyada is khilaafsan iney wadahadlaan, waxaana isagoo ku hadlaya magaca Gudoomiyenimo ee midowga Afrika uu ku baaqay Nabad iyo in xal la raadiyo.
Dalkeena Somalia ayaa sheegay in xalka uu ku jiro wadahadal ayna dhex dhexaad a yihiin arintan, taas ayaana keentay in Imaaraadka uu dib ugu yeero safiirkoodii magaaladda Muqdisho
Dalka Seychelles ayaa dhex dhexaad ka ah arintan waxaase jira wadamo badan oo Afrika ah kuwaas oo aanan ilaa haatan siyaasadooda cadeyn.
Dalka Qatar ayaa beeniyay eedeymaha ay usoo jeedinayaan Xulifadda SACUUDIGA iyo Imaaraadka ee ah iney taageerto kooxaha argagaxisadda ah
DhanKa DIYAARADA – Qatar Airways – ayaa laga mamnuucay dhamaan gacanta halka sidoo kale la xiray xaduudihii dhulka taas oo saameyn dhanka cunta ah ku yeelatay dalkaas.
Dalka Turkey ayaa taageero bini’aadanimo ufidinaya dalka Qatar halka Dalka Iiraan dhankeeda ay raashin geyneyso dalkaas.
Qaramada Midoobe ayaa sheegtay iney ka shaqeyneyso in xaalada la dajiyo oo wadahadal lagu xaliyo, halka Mareykanka uu marar badan isbadalay oo uusan laheyn siyaasad toos ah