Madaxweyne Geelle oo surguun madaxa la galay iskuna Furay Furin Dagaal.

Soomaalidu waxay ku Mahmaahda;

DHUBUQ-DHUBUQ DAADA HOREY WAXAY KU DAMBAYSA DHABBANA HAYS.

Odaygii Ismaciil Omar Geelle ahaa surguun ayuu madaxa la galay. waxaa uuna qaatay go’aan uu ka xishooday Madaxweyne Farmaajo oo jar iska xoor ah.

Dhawaan Jabuuti waxa ay ku biirtay wadamada xidhiidhka u Jaray Qadar. ee taageeray Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Qadar oo horay ugu soo Gurmatay Jabuuti xili ay u baahneyd wax ka qabta dhagarta Eretaria oo ay faraha isaga gubteen, weliba maxaabiistii reer Jabuuti ee lagu qabsaday dagaalkii Eretaria &Jabuuti waxa ay dowlada Qadar ku guuleystay iney ka soo saarto xabsiyada Eretaria kuna soo celiso dalka Jabuuti. balse markii uu Geelle ku dhawaaqay go’aanka uu xidhiidhka ugu Jaray dalka Qadar waxaa ay Qadar Ciidanadeeda kala baxday Saldhigii ay ku laheyd Xuduudaha Jabuuti iyo Eretaria. durbana Eretaria waxaa ay si dhib yar oo ceeb ku ah jabuuti u qabsatay Saldhigii ay Ciidamada Qadar ka guureen taasoo walwal badan galisay madaxda dalka Jabuuti.

Jabuuti waa qeyla dhaamisay iyada oo ku eedeysay in Ciidamada Eritrea ay qabsadeen dhulka buuraha ee Dumeira, islamarkaana waxa ay heegan gelisay ciidamadeeda , waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalo cusub uu labada dal dhex maro.

Balse Masar ayaa ku tidhi anigaa Ciidamo badala kuwii Qadar idiin soo direyna.iyadoo ujeedada Masarna ay tahay iney hesho Saldhig ay ka weerari karto Ethiopia oo ay isku hayaan Biyaha Wabiga Niil .balse arinkaasi durba waxaa cadho ka muujiyay Ethiopia oo iska ilaalineysa in ay Masar ka soo ag dhawaato Agagaas.

Markale Jabuuti waxaa soo food saaray Culeys kale oo Uga yimid dhanka Ethiopia oo ay dhawaanahaan cilaaqaad fiican iyo is dhaafsi ganacsi oo ilaa heer Tareeno ah ay wada lahayeen. kuwaasoo si cad ugu sheegay hadii ay Masar ciidamo ka socda soo dhaweeyaan in wixii cawaaqib xuma ah ee ka yimaada ay Jabuuti dusha u ridan doonto.

Jabuuti dhana uma fiyoobee Markaan waxa ay macintosh biday iney u qeyla dhaansatay Qaramada Midoobay si loogu soo diro Ciidamo caalamiya oo daan daan siga Eretaria la socda. .

Tan kale Jabuuti xiligaan waa xili ay dadkeedu u baahan yihiin nabad iyo horumar si doodaha mucaaradka Jabuuti ka imaanaya looga jeediyo indhaha bulshada, waa xili ay Qeybo ka mid ah Ciidamadeedu ku kala sugan yihiin South Sudan & Soomaaliya , mana aha xili ay dagaal adag la gali karto Eretaria oo iyadu ah dal aan weyso u dhowrneyn oo Madaxda xukuntaa ay tahay Qorshaha kaliya ee ay xukunka ku sii heysan karaan iney dadka reer Eretaria ku jiheeyaan dagaalo si ay uga mashquulaan siyaasa dooda macangag nimada ah.

Sow marka wax lala yaabo maaha inaad Dalkii Ciidamadiisu ku waardiyeynayeen aad tiraahdo xidhiidhkaan u Jaray adigoo ku raali galinaya dalal kale oo qooqan sida dagdaga Siyaasaseed ee Geelle ku dhaqaaqay.oo kale. iyo natiijada uu maanta ka dhaxlay oo dhana iima fiyaaba.

Shaxdda Siyaasadeed iyo laba,sadeex canlaynta ay  dawlada jabuuti ka ciyaari jirtay aduunka iyo siday maanta u noqotay hal mar wiil yar oo agoon ah oo aabe iyo ab midna lahayn waxay ahayd arrin horey loo saadaaliyey waana casharkii ugu horeeyey ee ay dawlada jabuuti kala kulanto siyaadeeda ay quwaadaha aduunka ugu waawayn ku marti galay dalkeega laakiin ay lahayn awood iyo qibrayd ay ku maarayn karto marka ay timaad arrinta maanta iyo kuwa kasii murugsanaan doono quwaadaha ay jabuuti ku marti galay dhulkeega dhamaan waa kuwa iska soo wada hor jeeda oo leh danno is wada diidan.

Si kastaba Jabuuti waa dalkeeni mana aha arin na farxad galineysa in loo caja-jugleeyo waana in markale u baahan in ummadda reer jabuuti Naf iska raadiso oo ay xaaladaas isha ku hayaan wixii talo ah ama dadaal  ahna siddi mar horaba dhacday loo difaaco anagoo og niyada iyo muuraalka dhalinta jabuuti u hayaan dawladda jabuuti hadana wax yidhi;

(Fooli Timidba Guda qarsiimo Hadhay Waa Xigma Hooyo)