Xaflad loogu dabaal dagayey 40 Sanno guuraddii xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

arday reer jabuuti ah iyo Diblumaasiyiin Soomaali iyo boqolaal arday Soomaali ah oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 40 guuradii kasoo wareegtay markii ay Jabuuti xurnimada qaadatay ayaa lagu qabtay Magaalada khartoum.

Munaasabadan oo aheyd mid lagu Xusayay 40 guuradii kasoo wareegatay markii ay xurnimada qaadatay Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ka dhacday Caasimadda Khartoum ee Dalka Suudaan.

Waxaane ka soo qayb galay Munaasabada Madax ka socotay Safaaradda Jabuuti, Diblumaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudaan, Jaaliyadda,Salaadiin,Boqolaal ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan iyo Qaar ka mid ah Ciidamada Jabuuti ee Tababrka u jooga Wadanka Suudaan.

Ugu horeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Danjiraha Safaaradda Jamuuriyada Jabuuti ufadhiya Dalka Suudaan Danjire Axmed Cali Barre asigoone u mahadcaliyay dhamaan intii ka soo qayb gashay munaasabada xuska 40 guuradii kasoo wareegtay markii ay xurnimadii qaateen.

Dhanka kale Abuukar Maxamed Cabdi “Boston” oo ah Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudaan ayaa Hambalyo u diray dhamaan shacabka Jamuuriyada Jabuuti.

intii ay socotay Munaasabada ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay heeso iyo Dhaqanka Qoomiyadaha Jamuuriyada Jabuuti..