Maaha Markii 1aad ee Yusuuf Garad Dhibane Soomaaliyeed Sida Mahad Abiib u Galo!

Waraaqadaha badan buu mindhaa ku wareeray wasiirku, laakiin waxba waxba lagu soo xasuustaaye, Cismaan M. Qanyare Wasiirka Yuusuf intuu yaraa oo uu maskiinka ahaa, ayaa waxaa dhacday qiso tan u dhow laakiin ka duwan.

Laba gabdhood oo fannaaniin ah: Sahra Axmed Jaamac iyo Faaduma Maxamed Axmed Shaxshaxleey ayaa UK imaaday qaxootinnimo ayeeyna isu dhiibeen.

Deetana waxaa lagu yiri: cid ha soo cadeeyso in aad Fanaanniin Qaran aheydeen, qareenaddii gabdhaha ayaa markaas waraaqado u soo kala qoray BBC DA laanta Afka Soomaaliga, madaama ay iyada ahayd meesha kali ah oo la aamini karo (credibility) heysata, waayoo gabdhihii baa yiri wax cadeynta nalaga rabo bixin Kara BBC DA ka jirta, maadaama wariyayaasha ka shaqeeya badankood Hal wasaarad ka wada tirsanaan jirnay (WASAARADDA WARFAAFINTA).

Sida protocol ka ah warqadihii waxeey Qareenadii ku soo hagaajiyeen madaxii laanta oo markaas ahaa WASIIR YUUSUF YARE, ka bacdeen maxaa dhacay? Kaalayba ha ka jawaabo.

Qareenaddii fallow up letters ayeey ku waasheen, ilaa markii dambe gabdhihii dhowr jeer lugahooda ku yimaadeen.
Inteey soo noq-noqonaayeen waqtigii baa ka dhacay, negative baa la siiyey labadoodiiba.

Ilaaheey Waa kan I maqlaaya ee maalintii dambe ayaa mid gabdhihii ka mid ah oo ooyeeysa inoo timid, saa shaqaalihii oo dhan baa wada xanaaqay, Yoonis Cali Nuur uun baa feker ku soo dhacay, wuxuu yiri: Yusuf wadanka ma ka maqan yahay? Maya ayaa la yiri. Wuxuu yiri soow nalama joogo, haa baa la yiri, wuxuu yiri ilaah baa ina lehe sidaani ma eegan karno e, kuligeen ayaa warqada wada saxiixeyna ee qof walboow qor Hal baragaraaf oo ah intaad ka taqaan gabadhaan.

Sidii baanu yeelnay, warqadii qareenkana waa saxiixnay tiro ku 8 qof ah.
Sidii baana Gabadhii appeal keedii loogu xereeyey sharcigiina ku heshay.
Tii hartay isagaa u qoray warqadii isagoo ka baqaya in iyadana aanu u saxiixno, wuxuu is yiri tii horaad ku ceebowdee, tan ha ku ceeboobin.

Hadda Cismaan Qanyaroow wasiir yuusuf wax cadee Waa Dhibbtaaba ee horta yaan la dhihin, warqado badanna yaanba la tusin wuu ku dawaqayaaye, Mahad Abiibna jaaliyadda ha ku u saxiixdo wuxuu rabo, majimo aruuray madax bir ah ayeey ku tagaane. Ramadan Kariim.

Bye: Amina Muuse Weheliye