Heshiiska ay Khaatumo la Gashay Maamulka Somaliland Ma Waafaqsana Kii USP!

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
Marka hore,waxaan salaan qiimáleh u soo diraya
ummadda islamka ah guud ahaan,gaar ahaanna,ummadda Soomalaiyeed,waxanan
leehay Ramadan  Mubaarag,ilaahayna khayrkeed hana siiyo bisha  Ramadan, Amiin.
Midda labaad,waxaan jeclahay,bal inaan,sida aniga ay igu muuqato,wax uga taataabto
heshiiska dhex maray maamulka goboleedka Soomaliland iyo maamulka Khaatumo,oo
intii muddo ahaydba kolba meel lagu shirayay,si heshiis loo gaadho,aakhirkiina la
sheegayo in heshiis la gaadhay,heshiiskas waxaa durbadiiba kasoo horjeestay garaba
kale oo ka tirsan Khaatumo,iyo garaba kale oo iyagu horrayba iskugu dhiibay  mamulka
Somaliland,oo iyago rumaysan in haddii maamulka Khaatumo iyo Soomaliland,si dhab ah
u heshiiyan,ay iyaga waxyeelo u keenaysa,
Hadaba waddaba isku geeyo,heshiiska Khaatumo rabto inay keligeed la gasho maamulka
Somaliland ee hoganka ka yahay beesha Isaaq,waxaa ka wanaagsan in lagula gorgortamo
USP ahaan oo,la iska daayo kala ordka.Awood qaybsigu kama maqna kaliya Khaatumo,ee
wuxuu ka maqan yahay intay USP ka koobnayd.
Soomaalidu waxa ay ku mahmaahda,baadi kugu ragtay,xolahaga la mooda,waxaan uga
jeeda,27 sanno,ayay beesh Isaaq,keligeed isku koobtay awooda,dhinackasta,sida
madaxweynaha maamulka,gudomiyha  golaha guurtida,gudomiyaha golaha wakiiladda,
gudomiyayaasha sedexda xisbi qaran,godomiyayaasha goboladda, iyo dhamaan madaxda
ciidamadda. Waxa ayna sal uga dhigeen arrintas,anagu mujaahidiintii soo dhacsaday
dawladnimadda Somaliland Baan nahay,sidas darteed,beelaha majaahidin lahayn,awood
qaybsi ma ku doodi karan.  Beelah  ku dulman awood-qaybsiga, waxaa kaliya ee ku soo
dhacsan karan,waa iyada oo USP la hawlgeliyo.
Alla Mahad leh
Daljir