Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Wadama Khaliijka oo Shruudoo Yaableh ku Xidhay dalka Qatar si loo damiyo xiisada dhex taal.

23. Juni 2017/in WARAR/NEWS /von admin

Afar dal oo Carbeed ayaa dawladda Qadar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay waajibtahay in ay fuliyaan haddii ay rabto in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay wakaaladuhu ku warramayaan.


Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qadar in ay xidho oo albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera.

Waxaa kale oo ay qadar waydiisteen in ay yarayso calaaqaadka ay Iiraan la leedahay, ayna xidho saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qadar, shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah.

Dawladda Qadar ayaa diiday in ay maalgaliso argagixisada iyo in ay dhiirigalinayso degenaansho la’aanta gobolka.

Qadar ayay labo toddobaad saaran tahay xayiraad dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed, arrintaas oo aan la filaynin ayaa noqotay culayskii ugu waynaa ee dalalka Khaliijka ka dhacda muddo tobannaan sano ah.

Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid “sabab leh oo wax laga qaban karo”.

Saxafiyiintu waxay sheegayaan in jahwareer uu haysto Maraykanka oo raadinaya siddii uu ku xallin lahaa khilaafkan, taas oo ka dhalatay wakhtiga ay qaadatay in Sacuudiga iyo dalalka kale ay si rasmi ah u soo gudbiyaan waxa ay dalbanayaan.

Ma jirto Jawaab deg deg ah oo ay Qatar ka bixisay arintaan, laakiin wasiirka arimaha dibadda dalkaas Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani ayaa horey usheegay ineysan wax wadaxaajood ah la geleyn xulifadda Sacuudiga inta ay xayiraadu saaran tahay.

QODOBADA KALE Waxaa kamid ah

Wakaaladda Wararka AP oo daabacday Koobi laga sameeyay qodobada la hordhigay dalka Qatar ayaa waxaa ay u qornaayeen:

1-  In dalka Qatar uu xidhiidhka u jaro dhamaan Ururka Iqwaanu Muslimiin (Muslim Brotherhood) kuwaas oo laga mam nuucay dalalka Carabta.

2- Iney soo wareejiso dhamaad shaqsiyaadka laga doonayo  afartaas wadan ee argagaxisadda ah.

3- Iney joojiso maalgelinta kooxaha xagjirka ah ee argagaxisnimo ugu diiwaan gashan Mareykanka.

4- Iney cadeyso ama faah faahiso Macluumaadka ku saabsan tirooyinka mucaaradka kuwaasoo Qatar ayaa maalgeliso kana soo jeeda  Saudi Arabia iyo quruumaha kale

5- Iney habeyso siyaasadeeda gaar ahaaneed, dhaqaalaheeda iyo howlgalka khaliijka

6- Iney joojiso maalgelinta Ilaha wararka ee Al Jazeera, oo uu ku jiro Arabi21 iyo Middle East Eye

7- Iney bixiso Lacag aan la cayimid oo magdhow ah

Waxaa jira qodobo kale oo la daabacay kuwaas oo si weyn ay udoonayaan sacuudiga iyo xulifadiisa.

Sargaal aan magaciisa la sheegin oo uhadlay Afartaas wadan ayaa usheegay Wakaaladda Wararka ee  Reuters in Qatar ay sidoo kale arimo xasaasi ah ay hordhigtay Dalalka CARABTA.

Arimaha ay hordhigtay waxaa kamid ah iney xidhiidhka u jaraan Kooxda  khilaafadda Islaamiga ah ee Daacish, Al-Qacidda iyo Kooxda Shiicadda ah ee Lubnaan ka dagaalanta ee Hezbollah.

Warqado ay baahisay Wakaaladda Wararka AP ayaa muujinaya in  Qatar la weydiistay iney guud ahaanba xidhiidhka uj arto dalka Iiraanoo ganacsi xoogan uu kala dhaxeeyo.

Warqadahan waxaa kale oo ka muuqda in la xidho guud ahaanba dhamaan xarumaha Al Jazeera oo ay ku jiraan qeybta ENGLISH-KA iyo Tan Carabiga ku hadasha, TV-gaas ayaa kamid ah kuwa loogu daawashada badan yahay caalamka.

Si kastaba, lama oga hadii Sharuudahan ay yihiin kuwa ay labada dhinac isla fahmi doonaan oo ay ku heshiin doonaan.

 

Afar dal oo Carbeed ayaa dawladda Qadar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay waajibtahay in ay fuliyaan haddii ay rabto in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay wakaaladuhu ku warramayaan.


Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qadar in ay xirto oo albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera.

Waxaa kale oo ay qadar waydiisteen in ay yarayso calaaqaadka ay Iiraan la leedahay, ayna xirto saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qadar, shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah.

Dawladda Qadar ayaa diiday in ay maalgaliso argagixisada iyo in ay dhiirigalinayso degenaansho la’aanta gobolka.

Qadar ayay labo toddobaad saaran tahay xayiraad dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed, arrintaas oo aan la filaynin ayaa noqotay culayskii ugu waynaa ee dalalka Khaliijka ka dhacda muddo tobannaan sano ah.

Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid “sabab leh oo wax laga qaban karo”.

Saxafiyiintu waxay sheegayaan in jahwareer uu haysto Maraykanka oo raadinaya siddii uu ku xallin lahaa khilaafkan, taas oo ka dhalatay wakhtiga ay qaadatay in Sacuudiga iyo dalalka kale ay si rasmi ah u soo gudbiyaan waxa ay dalbanayaan.

Ma jirto Jawaab deg deg ah oo ay Qatar ka bixisay arintaan, laakiin wasiirka arimaha dibadda dalkaas Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani ayaa horey usheegay ineysan wax wadaxaajood ah la geleyn xulifadda Sacuudiga inta ay xayiraadu saaran tahay.

QODOBADA KALE Waxaa kamid ah

Wakaaladda Wararka AP oo daabacday Koobi laga sameeyay qodobada la hordhigay dalka Qatar ayaa waxaa ay u qornaayeen:

1-  In dalka Qatar uu xariirka ujaro dhamaan Ururka Iqwaanu Muslimiin (Muslim Brotherhood) kuwaas oo laga mam nuucay dalalka Carabta.

2- Iney soo wareejiso dhamaad shaqsiyaadka laga doonayo  afartaas wadan ee argagaxisadda ah.

3- Iney joojiso maalgelinta kooxaha xagjirka ah ee argagaxisnimo ugu diiwaan gashan Mareykanka.

4- Iney cadeyso ama faah faahiso Macluumaadka ku saabsan tirooyinka mucaaradka kuwaasoo Qatar ayaa maalgeliso kana soo jeeda  Saudi Arabia iyo quruumaha kale

5- Iney habeyso siyaasadeeda gaar ahaaneed, dhaqaalaheeda iyo howlgalka khaliijka

6- Iney joojiso maalgelinta Ilaha wararka ee Al Jazeera, oo uu ku jiro Arabi21 iyo Middle East Eye

7- Iney bixiso Lacag aan la cayimid oo magdhow ah

Waxaa jira qodobo kale oo la daabacay kuwaas oo si weyn ay udoonayaan sacuudiga iyo xulifadiisa.

Sargaal aan magaciisa la sheegin oo uhadlay Afartaas wadan ayaa usheegay Wakaaladda Wararka ee  Reuters in Qatar ay sidoo kale arimo xasaasi ah ay hordhigtay Dalalka CARABTA.

Arimaha ay hordhigtay waxaa kamid ah iney xariirka ujaraan Kooxda  khilaafadda Islaamiga ah ee Daacish, Al-Qacidda iyo Kooxda Shiicadda ah ee Lubnaan ka dagaalanta ee Hezbollah.

Warqado ay baahisay Wakaaladda Wararka AP ayaa muujinaya in  Qatar la weydiistay iney guud ahaanba xariirka ujarto dalka Iiraanoo ganacsi xoogan uu kala dhaxeeyo.

Warqadahan waxaa kale oo ka muuqda in la xiro guud ahaanba dhamaan xarumaha Al Jazeera oo ay ku jiraan qeybta ENGLISH-KA iyo Tan Carabiga ku hadasha, TV-gaas ayaa kamid ah kuwa loogu daawashada badan yahay caalamka.

Si kastaba, lama oga hadii Sharuudahan ay yihiin kuwa ay labada dhinac isla fahmi doonaan oo ay ku heshiin doonaan.

 

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/geell-carbeed.jpg 167 301 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-06-23 11:36:402017-06-23 11:43:26Wadama Khaliijka oo Shruudoo Yaableh ku Xidhay dalka Qatar si loo damiyo xiisada dhex taal.

raadin

warki u dambeeyey

  • Guul-darrada siyaasadeed maxaa noogu wacan?
  • Yaa bixiyey amarkii lagu dilay Wariye Jamaal Khaashuqji?(Video)
  • Ciidamada Cirka Ee Gariiga Oo Weeraray Markab Cilmi Baadhiseed Oo Uu Turkigu Leeyahay
  • Dhacdadii Hoodo Garays oo aan goobjoog ka ahaa.
  • Villa Soomaaliya Oo Galabta Ka Warbixisey Shirka Furmay(Sawirro)

kaydka wararka

  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Hal Xaaran ahi Nirig Xalaal ah Ma Dhasho Saylac oo ay Hargeysa Xal iyo Xeelad... Diblomaasiyaddi Jabuuti oo ka Dhamaan la, Dhooqo ay Cagaha la Gasho.
Nach oben scrollen