Diblomaasiyaddi Jabuuti oo ka Dhamaan la, Dhooqo ay Cagaha la Gasho.

Waa Markii 3aad ee mudo ka yar 3 todoobaad gudohood ay siyaasadda arrimaha dibadda ee jahmuuriyadda jabuuti ay dhex dabaalato guul darooyin siyaasadeed oo ka soo wajahday khilaafkii ka dhex curtay wadama khaliijka carbeed iyo mawqifkii aan laga baaraan degin ee ay jabuuti ku taageertay xuluufada sacuudigu hor boodaayey ee hada uu muuqda mid laga guuleystay.
Taageerada jabuuti ay taageertay xulufadda sacuudiga waxay u keentay guul darooyin siyaasada iyo mid dhaqaala culayska ugu wayn ee jabuuti uga yimid khilaafka khaliijka carbeed wuxuu uga yimid dalka Eritrea oo xoog ku qabsaday qayb ka mid ah dhulka jabuuti
Wasiirka Arrimaha dibada ee Jabuuti Mudane Mohamoud Ali Yousouf oo Arinta ka Hadli wuxuu istimaalay eriga ah:Dhulka la isku Haysto oo u ula jeeday ras-Doumayra waxaa ceeb iyo Siyaasad xumo ugu filan dawlada Jabuuti in Ras-Doumeera lagu sheego dhul la isku Haysto ras-Doumeera maaha dhul iyo goob la isku haysto ee waa dhulka jabuuti oo ay Eritrea si badheedh ah ugu soo duushay xoogna ku haysato Mahamoud Ali Youssouf oo ah musuulka ugu sareeya diblomaasiyadda ee Arrimaha dibada ahna af hayeeka xukumadda Jabuuti wuxuu soo sumacad xumo iyo hoos u dhac siyaasaadeed iyadoo la ogyahay in wasiirku yaha nin aqoon yahan ah waxna ku soo bartay jaamacadaha dibada lehna qibrad siyaasadeed oo ku filan kuna hadla ugu yara illa 5 luqadood marnaba laga filayn in u sida sahalka ah lugaha ula gali doono waji gabax diblomaasiyadeed.
Dhacdada ugu fool xumayd ee usoo hoyatay Siyaasada jabuuti ee Arimaha dibada waxay ka dhacday Magaalada Hargeysa ee Maamul Goboleedka waqooyika Soomaalia wakiilka ay jabuuti u diratay Magaalada Hargeysa Muda Ahmed ka Waaliye ayaa Siyaasadi jabuuti ka Waalay ka dib marki shir jaraaid oo uu isagoo u yeedha saxafada la waydiiyey Suaal ku saabsanayd in gobolka dulmaan ee salal ee ku yaal xadka Jabuuti ay duqayn ba,aan u geysteen diyaarado dagaal oo aan haybtooda la garanayn laakiin looga shikiyey in ay jabuuti ka soo kicitimeen.
Ahmed Ka Waaliye Suaasha la waydiyo waxay uu ahayd fursad dahabi ah oo ku qeexi lahaa Siyaasada jabuuti ee ku aadaan Salal iyo Awdal wuxuu si aan jabasho lahayn u cadayn lahaa in ay jabuuti ka qab wayntahay in ay duqayn noocan oo kale u gaysato dad iyo shicib masaakiin ah oo abaaru aan dhamaad lahayn iyo cadaalad daro uga yimid maamulka Hargeysa la il daran ay diyaarado ku garaacdo wuxuuna wiilasha yar yar ee wariyayaasha ah ugu hanjabilaha in ay ka fiirsadaan su,aalohooga waxaas oo kalena aan masuulinyinta la waydin.
Ahmed ka Waaliye wuxuu hoosta ka xariiqi lahaa in dadka saylac iyo Lughaya ku nool ay isku isir iyo abtirsiin yihiin madaxda jabuuti inta ugu tunka wayna ay dhulka ku dhasheen qofna uu dhib iyo duqayn u geysan karayn dadkaa ay isku dhiig iyo dhacaan yihiin.
Arrintaasi ma dhicin ee Ahmed kawaaliye wuxuu miciin biday orod iyo firxad u keenay in sawirka siyaasada jabuuti ee degmadu Noqoto waxaa maanta Soomalida aduunka ku qaxwayso uguna qosalka badan.
Dadka ka Faalooda Siyaasada Dawlada ee madaxweyne Ismaciil Cumar Geele waxay ku sheegayaan in shaqsyaadka loo dhiibo xilalka ugu muhiimsan ee dalka lagu soo xusho siday madaxwayne Geele ugu dhega foododyihiin ee aan lagu xulan siday u kala karti badan yihiin iyo codkarnimadooda ee ay ku difaaci lahaayeen siyaasada dawlada jabuuti taasina waxay dhaxalsiisay habacsanaanta maanta meel kasta ka muuqata.
Geesta kale waxay ku sheegayaan in dalka jabuuti aan laga aqoon dood iyo afkaar furfuraan oo siyaasadeed waanan sababta markasta keenta in ay masuuliyinta dawlada jabuuti ku silbadaan doodaha ay la galaan kooxa mucaaradka ku ah siyaasada Jabuuti oo markasta ka fadala cad-cad waxayna jabuuti kaaga jawaabta cadho iyo xabsi laga buuxsho mucaaradka.
Hadday Jabuuti ogolaan lahayd dood iyo afkaar caafimaad qabta oo siyaasadeed dadka masuuliyiin ahi waxay dulqaad iyo waayo aragnimo firfircoon u yeelan lahaan dood kasta iyo suaal kasta oo ay goobaha lagu lafa guuro siyaasada ka muujin lahaan sumcada iyo karaamada dalka jabuuti.
isku soo wada duuboo Jabuuti waa in ay dib uu eegta dadka xilalka muhiim ah loo magacaabi si dalku uga muuqto goobaha lagu kariyo siyaasada caalamka iyo tana degmada.