Daawo Sawirro: Munaasabadda 26 June oo si weyn looga xusay Muqdisho iyo Halkii laga taagey oo dawlad Laa,an iyo dudmo ku Maqan.
Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho Munaasabad 26-June oo lagu maamuusayay57-guuradii ka soo wareegatay markii la taagay Calan Soomaaliyeed oo ku beegan 1960, xilligaasoo Soomaaliya qaadatay xornimada.
Munaasabada oo xalay ka dhacday Xarunta aqalka dowladda Hoose ee degmada Xamar weyne, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiiro, Xildhibaanada labada gole, Maamulka Gobolka Banaadir, Safiirada qaar ka mid ah dalalka Caalamka iyo marti sharaf kale.
Intii ay socotay Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan, waxaa saacada markii ay aheyd 12:00 habeenimo la saaray Calanka Soomaaliya.
Waxaa durbadiiba cirka loo riday bulleer lagu dabaal degayay, taasoo aheyd markii u horeysay muddo 20 sano ka badan oo loo riday dabaal degan ceynkan oo kale ah bulleer, waxaana dadka qaar ee reer Muqdisho u qaateen baaruuda iyo dhawaqa bulleerka madaafiic oo kale iyo in magaalada ka socdo dagaal, hase ahaatee ay aheyd dabaal deg oo kaliya.
Bulleerka oo midibyo kala duwan lahaa ayaa la arkayay, cirka isagoo ku bixinaya calaamado iftiin ah oo kala midib duwan.