Xusid iyo gardarin waxaa mudan hobaladii suuganta ugu soo halgamay xornimadda Jabuuti.
Dal walba oo ah addunyadan aan joogno,wuxuu leeyahay,ama lahaa,hoballo suuganta ugu soo
halgamay xoriyadda. Xornimadda maanta jamhuuriyadda Jabuuti,ay afartan guuradeeddii
ay xusayso,waxa suugaanta ugu soo halgamy,hoballo badan,oo maanta,in badan oo
mid ahaa geeriyoodeen ,in badan oo ka mid ahaana wali noolyihiin.Kuwii geeriyooday,waxa
wanaagsan in loo duceeyo,ilaahay inuu geeyo janaddii Farduwsa.kuwa wali noolna la siiyo
waajibkooda.
Inta aan ka xusuusanahay,waxa ka mid ah:- I)-Saciid Xamarqoodh,2)- Cabdo Xamarqoodh,3)-
Moxamad Cali Forsheed,4)-Fadumo Axmad Dhanbiil,5)-Nimco Jaamac Migil.6)-Aamina Farax
Wabar 7)-Qarshiile,8)- Qooryare,9)- Aadan Farax Samatar 10)- Moxamad Aadan Dugsiiye 11)-
Xasaan Cilmi 12)-Ibraahim Gadhle,13)-Xabiibo A/lahi Balballeef.
Kuwaasi waa kuwii,suuganta ku halgamy,ee si toos ah iyo si dadbanba,ku kicinayay shacabka,si
ay uga hoos baxaan gumaysiga, waxaana ka mid ahaa,heesihii,GABAN MAYNO,IDHAGIBIDHSAN-
MAYNO,WAAN GUDANAYNA WIXII NALA GUDBOONA.
Waxaa kale oo ka mid ahaa,DOONA HA IDAWEYSEE DOONA. waxaa ka mid ahaa, DULMIGA II
HAYSTA,MA WAX DUNIDA GAADHSIISANBA,MISE WAA WAX ANIGA II GAAR AH.
waxa kale oo ka mid ahaa,NIN GURGUURTA MOOYE WAAKAN WADDA GANOODNEE,
GAASHANLAW WAAD GUDATAY WIXII KULA GUDBOON.waxa kale oo ka mid ahaa,DHULKAN
CADAWGU HAYSTIYO,KAALAY CIIDDA IlA DHICI,AMA CALAN MADOONAY NACAB CAAWA
IGA RAAC.
Gabagabadii,waxaan u ducaynayaa intii geeriyootay,inuu ilaahay janadii Farduwsa ka waraabiyo,
inta wali noolna,cimri dherer iyo caafimaad inuu ilaahay siiyo. Amiin. Waxaan hambalyo,sanad-
guuradda afartanaad awgeed, u soo diraya,madaxweynaha jamhuuriyadda Pres.Ismaaciil Cumar
Geelle,xukumaddiisa,iyo dhammaan shacabka Jabuuti,waxaanan leehay,ilaahay sanadkan sanad-kiisa ha idinku gaadhsiiyo BARWAAQ Iyo BASHBASH, iyo NABADGELYO AAMIIN.
DALJIR.
|