Beeni Raad Ma Leh.

 

Waxaa manta daawaday nin shir jaraaid ku qabtay magaa;ada hargaysa oo sheegaya in Somaliland markii dagaal wax lagaga qaadi waayay in loo qaybiyay xaafad xaafad reer reer gobol gobol iyagii la is ku mashquuliyay iyadoo loo adeegsanayo halhayskii aha”QAYBI OO XUKKUN” wax uu intaa ku daray in cadaw koowaad ee Somaliland leedahay uu yahay madaxwaynaha soomaaliya.

 

Waxaa manta daawaday nin shir jaraaid ku qabtay magaa;ada hargaysa oo sheegaya in Somaliland markii dagaal wax lagaga qaadi waayay in loo qaybiyay xaafad xaafad reer reer gobol gobol iyagii la is ku mashquuliyay iyadoo loo adeegsanayo halhayskii ahaa”QAYBI OO XUKKUN” wax uu intaa ku daray in cadaw koowaad ee Somaliland leedahay uu yahay madaxwaynaha soomaaliya.

Ninkani Ma uu cadaynin cidda reer soomaliland qaybisay ee rabta in ay xukunto dadkuse waa yaqaannaa.
Waakuwa 26 ka hogaamiyayaasha ciidanka ka dhiay hal qoys
Waa kuwa kadhigay 2/3 wasiirada Somaliland hal jufo
Waa kuwa ka dhigay 90% agaasimiyaasha guud hal qoys
Waa kuwa 90% ilaha dhaqaale iyo hantidii dadwaynaha gacanta u galiyay hal jufo.
Waa kuwa iska iloobay in Somaliland ka koobantay gobollo qaba’l kale dagaan oo qayb ku leeyihiin saami qaybsiga.
Waa kuwa dadka kula kacay waxii shalay ay ka dagaalameen oo ahaa in madaxwaynihii dawladii somaliyeed ay ku eedeeyeen in hantidii dadka dad yar kacanta loo galiyay xaqdarro iyo dulmina lagula kacay gobolka woqooyi. Ma is tidhi taariikhdii lafteedii ayaa is soo celisay.
Waxaanan qaba in Somaliland qaadatay wadii Somalia ku burbutay sababtoo ah wax alle wixii lagu eedeeyay dawladii Somalia hadda waxay ka jiraan Somaliland iyada oo aan lalagabanayn,waxaanad moodaa in ay ku dhaqmayaan maahmaahdii ahayd

AWRBA AWRKA HOR AYUU SOCODKIISA LEEYAHAY

Gunaanadkii,, hadii la rabo in Somaliland badbaado ,inneel hasha maandeeq waa loo wada leeyahay ee waa in lagu soo dabaalaa sinaan, wada noolaasho is kaash iyo saaami qaybsi ku salysan cadaalad, waa in soomaliland ay ka kortaa systamka ah in maammulka lagu kobo hal qoys, Hadii kale dhibaatiyo wax dhaca waxay noqon doonaan wax aan la xakamayn Karin.

Saalax Migil