Dalka Sacuudiga Wariye Boqorka Sacuudiga ku tilmaamay Sifooyinka Eebe oo shaqada laga caydhiyey.

Ramadaan Al-Anzi oo wax ku qora Joornaalka al-jazirah ee ka soo baxa Sucuudi Caraabiya ayaa qalinkisi meel xun la gaadhey kadib markii uu Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis uu ku tilomaamey uguna yeedhay sifooyin iyo awoodo Allaah keliya iska lee yahay.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa qoreysa in Boqor Salmaan uu ka dalbadey Wargeyska uu u shaqeynaayey al-Anzi in ay shaqada ka caydhiyaan maadaama uu la bar-bardhigey Allaah. Ramdaan Al-Anzi ayaa shaqadii laga caydhiyey ama laga eryey.

Ramadaan Al-Anzi ayaa ku tilmaamey Boqor Salmaan in uu yahay Xaliim oo ah dulbadane laakiin haddii uu cadhoodu uu yahay “Shadiidul Ciqaab”, taas oo uu ka soo qaatey aayad Qur’aanka Kariimka ah oo rabbi ku sheegay in uu denbi dhaafo oo naxariisto haddana ciqaabkiisu adag yahay.

Sifaynti boqorka uu wariyuhu ku sifeeyey ayaa uu muuqata mid ku dhacday isla wariyaha oo maanta isaga la iqaabay.

Qoraqalka Ramadaan Al-Anzi ayaa daba socdey talaabada Sucuudigu ka qaadey dalka Qatar ee ay ku go’doomiyeen.

Dalka Sucuudiga ayaa isku tilmaama in ay isku xukumaan shareecada Islaamka.