Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

DHAGAYSO WAREYSI Argagax LEH: Xusuusta weerarkii maqaaxida Pizza House & Ninkii Ugu Dambeeyay ee laga soo bad-baadiyay.

4. Juli 2017/in WARAR/NEWS /von admin

Maxamed Ibraahim oo noqday qofkii ugu dambeeyay ee laga soo badbaadiyay weerarkii abaabulnaa ee maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen mqaaxida Pizza House ee Magaalada Muqdisho, ayaa xog dheeri ah ka bixiyay wixii habeenkaais meesha ka dhacay.


Dhawr nin oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, ayaa 14-kii bishii hore ee June weerar argagax ku reebay bulshada Somaliyeed ku qaaday maqaaxida Pizza, oo ku taala Degmada Hodan, iyagoona ku dilay 24 qof oo rayid u badnaa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab), ayaa xilligaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dhimatay 29 ruux, oo isugu jira 19 qof oo rayid ah, shan ka mid ah ciidamada ammaanka iyo shantii nin ee weerarka soo qaaday.

Maxamed Ibraahim oo maqaaxida Pizza House u qaabilsan qaybta khasnadda iyo soo dhawaynta, ayaa sheegay in habeenkaasi ay dhaceen waxyaabo aad u xun, oo aanu filleynin in ceynkeeda ay soo mari doonto, balse uu is leeyahay inay ahayd mid ka qorneyd xagga Alle.

Maxamed Ibraahim, ayaa xaqiijiyay inuu noqday qofkii ugu dambeeyay ee dhismaha maqaaxida laga soo saaro, dibadana loo soo saaray lixdii iyo konton daqiiqo ee subaxnimo (6:50am).

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA

Mar wax laga weydiiyay inuu faah faahin ka bixiyo wixii uu habeenkaasi la kulmay, ayuu sheegay in ciidamada ammaanka iyo maleeshiyadii Al Shabaab, ay si ba’an korkiisa ugu dul dagaalameen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in habeenkaasi uu u qaatay in aanu nolol kaga badbaadi doonin waxa meesha ka socda, haddii uu ka badbaadana uu is leeyahay raadad bay maskaxiyan kugu reebi doontaa.

Maxamed Ibraahim, ayaa tibaaxay in uu isu sheegay ciidamada ammaanka, ka dib markii laga takhalusay maleeshiyadii Shabaabka, balse ay ciidamadu ku amrayn in uu dharka iska dhigo, iyagoo kaga shakiyay inuu xiran yahay suunka walxaha qarxa ka samaysan, ka dibna ay ciidamadii way diideen waxa uu ku cadayn karo inuu yahay qof rayid ah, isla-markaana uu ka codsaday inay dibadda uun u saaraan, dadka dibadda ku sugana ay u xaqiijin doonaan inuu yahay khasnaji haa-yihii maqaaxida.

Mar uu ka hadlayay wixii ugu yaabka badnaa ee habeenkaasi uu arko ay ahayd, wiil ay ka wada shaqaynayeen maqaaxida oo ku dhaawacmay ismiidaamintii uu weerarka ku bilowday, dabadeedna ay dhameystireen maleeshiyadii goobta soo gashay.

Maxamed Ibraahim, ayaa ku waramaya in isaga iyo saaxiibkiiba ay qol isu soo xireen, isla-markaana ay maleeshiyadii Shabaabku qolka ku soo jabisay, ka dib markii ay maqleen taaha iyo xanuunkii haayay saaxiibkiisii dhaawacmay, dabadeedna ay rasaas huwiyeen. Maxamed ayaa sheegay inaysan maleeshiyadii arag goobtii uu isagu qolka kaga sugnaa, markii uu isu qariyay qayb qolka ka mida.

Maxamed oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in sidoo kale uu habeenkaasi maqlay codadka maleeshiyadii Shabaabka iyo gabdhihii yar yaraa ee maqaaxida ay ku dhex dileen. Wuxuu sheegay in maleeshiyada ay gabdhahaasi ku eedeysay inay yihiin kuwo jirkooda ka ganacsada iyo gabdhihii oo leh hana dilina, jirkeyna kama ganacsanee, meeshana waxaan u nimid inaan ka cunteyno. Maxamed ayaa sheegay in mid ka mid ah maleeshiyadaasi uu hablihii ka tagey, laakiin mid kale oo u yimid uu bambo ku dhuftay, waxaana bambadaasi ka badbaaday mid ka mid ah afar hablood oo wada socday, taasoo ka dhaawacantay lugta. Laba ka mid ah gabdhaha qaraxaasi ku dhintay, ayaa walaalo ahaa.

Mintidiinta Shabaabka oo sheegta inay dagaal kula jiraan Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayay hadana weerarada ay gaysanayan waxay waxyeelada ugu badan ka soo gaartaa rayidka.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/07/Pizza-house.jpg 183 275 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-07-04 11:40:222017-07-04 11:40:22DHAGAYSO WAREYSI Argagax LEH: Xusuusta weerarkii maqaaxida Pizza House & Ninkii Ugu Dambeeyay ee laga soo bad-baadiyay.

raadin

warki u dambeeyey

  • Trump Oo Warqad Dad Badan ka Yaabisay U Qoray Madaxwayne Biden-ka Bedelay.
  • Sideed (8)Arimood Oo Trump Ka Sheegay Somalida Intii Uu Xilka Hayay.
  • Basaaska weyn ee reer Falastiin M Daxlaan oo lagu arkay geeska Afrika
  • Ismacil Cumar Gelle Oo Markii 5aad Musharax ah Iyo Mucaaradka Oo Ku Dhagan.
  • Djibouti Iyo Saamaynta Xaaladda Cusub Ee Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya.

kaydka wararka

  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Jabuuti oo codsatay in goob joogayaal loo diro xuduuda Eritrea ay wadaagaan Gudoomiyaha Kulmiye Ee Gobolka Salal Iyo Laba Shaqaalaha Komishanka Ka Tirsan...
Nach oben scrollen