Gudoomiyaha Kulmiye Ee Gobolka Salal Iyo Laba Shaqaalaha Komishanka Ka Tirsan Oo Xabsiga Loo Dhigay Arin Xasaasi Ah Iyo Maayarka Saylac Oo Ka Hadlay.

Waxa Nimankaasi Haysta Komishanka Doorashooyinka Qaranka,Maxkamadna Way U Gudbinayaan Ayaan Maqlay,Xildhibaanka Hargeysa Ayaa Laga Qabtay Oo Uu Ku Sugnaa Maalmahan ”.Xuseen Iidleh Maayarka Saylac

Ciidanka bilayska Somaliland ayaa dhawaan Magaaladda Hargeysa ka dhex qabtay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Saylac,ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Salal oo lagu magacaabo Axmed-yaasiin Maxamuud,Waxaanu Xildhibaankaasi maalintii Shanaad ku xidhan yahay Xarunta Dambi Baadhista Hargeyse ee C.I.D-da,Waxa iyaguna jira Xubno ka tirsan Shaqaalaha Komishanka Qaranka ee Lawyo-Cado oo xabsiga Boorama loo taxaabay.
Sida aanu wararka ku helnay waxa Xildhibaankaasi xadhigiisa dalbaday Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaanu u xidhan yahay amar Xaga Komishanka qaranka ka yimid,iyadoo aan wali la gayn Maxkamad balse la sheegay in dhawaan maxkamada la horgaynayo lana cadaynayo Dambiga loo haysto. Waxa sidoo Todobaad ka hor Xabsiga Boorama loo taxaabay Shaqaale ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ka shaqaynayay Xarunta Komishanku kaadhadhka Cod bixinta ku bixinayeen ee Magaaladda Lawyocado,waxaanu Xadhiga Xildhibaankani Xidhiidh la leeyahay Shaqaalahaasi oo xogtii ay bixiyeen u soo talaabtay Xildhibaanka oo markaa ku sugnaa Magaaladda Hargeysa oo markiiba laga qabtay Hargeysa,iyadoo warar kalena ay sheegayaan in Shaqaalahaasi iyo Xildhibaanku ay kala iibsadeen Gaadhadh hadhaaya oo ku soo hadhay xaruntaasi oo dadkii lahaa aanay soo doonan ama ay ka haajireen Deegaankaasi ama ay ka hayaameen.
Maayarka Golaha Deegaanka Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo aan khadka telefanka kula xidhiidhnay xalay ayaa noo xaqiijiyay xadhiga xildhibaankaasi iyo cidda uu u xidhan yahay waxaana uu yidhi“Ninkaasi markii hore waxa uu la socday Niman mooshin waday oo Maayarka dhinac ka ah,laakiin wax cad mahayo oo ku saabsan Xadhigiisa,Waxa la ileeyahay oo aan maqlay in Qolada Komishan Doorashooyinka Qaranku haysto,oo ay waliba Maxkamada u gudbinayaan dacwadiisa, intaasi wax dhaafsiisan mahayo,Markaa Wasaaradda ayaa la maray,anakase inay wax naga soo ogaysiiyaan ayaa qurux badnayd,Ninkaasi Hargeysa ayaa laga qabtay oo uu ku sugnaa laakiin haddii ay Saylac ahaan lahayd waxbaanu la qaban lahayn ,oo Xildhibaanku Xisaanad ayuu leeyahay,in dambi uu lugaha kula jiro ayaa la eegayaa markaa kol haddii ay Hargeysa tahay Wasaaradda uunbaa la maray oo hawshaasi dhamaysay”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Maayarka Golaha Deegaanka Saylac Xuseen Iidleh Barkhadle.
Dhinaca Kale Komishan Doorashooyinka qaranka oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay waa ay ka gaabsadeen inay Wax faah faahin ah naga siiyaan Masuulkaasi u xidhan iyo Shaqaalaha Komishanka ee Xabsiga Boorama loo dhaadhiciyay. Sidoo kale Nooma ay suurta galin inaanu xog ka helno Xisbiga Kulmiye maadaama oo uu Xildhibaankani yahay Masuul xil ka haya Xisbi Xaakimka Kulmiye,Sidaa darteed nasiibdaro telefano badan oo ay haystaan Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo aanu xalay garaacnay way xidhnaayeen.