Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Afduubkii Dayuuradi Lufthansa Ee Muqdisho & Malaayiintii Doolar Ee Siyaad Bare Sanka Loo Saaray

5. Juli 2017/in Qormooyin/Articles /von admin

Akhristow, Anigo waqtiga ku dhawraya waxaan isku dayey inaan hadal-badan ka saaro oo aan nuxurka un kuu soo gudbiyo .. Waxay ahayd biishi 13 Oktobar 1977, waqtigaas ciidamada Somaalida ayey dagaal kula jireen ciidamadi itoobiya, dagaalkaaso wajigiisi hore guul lama filaana soo hoysey, waxay ciidamadi Somaalida qabsadeen Dhul baaxadiisu qiyaasti 400,000 sq km iyo illa 15000 oo askar iyo saraakiil ah laga qabtay.


Dagaalkii Somaalidu waxay ku weydey saaxiib-koodi Ruush ee ciidanka u dhisay, waxuuna ka soo jeestay dhinaca kale ee itoobiya iyagoo ku khasbay madaxda Somaliya iney ciidankooda ku celiyaan xuduudi hore ee muctarifka ahaa.

Somalia dagaalkii waa ku dheeraaday kaalmadi milatarigana waa joogsatay, reer galbeedkana af ahaan ayey ku taageereen Somaliya iyadoo saas ay xaaladu tahay. ayaa Goor qiyaasti 10 subax-nimo waxaa gegeda diyaaradda Mogdisho si lama filaan ah ku soo caga dhigtay diyaarad jarmalka laga leeyahay oo afduuban, diyaaradaaso markii dambe hawlgalkii lagu sameeyey la ogaaday iney soo afduubeen afar ka mida jabhadi la oran jiray “Popular front for the liberation of Palestine” kooxdaaso magac ahaan markaas isku magacaabaayey ” Commando marrtyr halima”

Ujeedada kooxdaas wax afduubtay oo xidhiidh la lahayd kooxdi jarmalka ee la oran jiray Red Army, waxay ahayd in loo soo daayo hogaamiyaashi Red Army oo maxbuus ku ahaa jeelasha Jarmalka.

Dawlada Jarmalka oo waqtigaas madax u ahaa Chancellor Helmut Schmidt, waxuu Mogdisho u soo diray ergay laacib ku ah wada hadalada culus, oo ahaa minister of state at the federal chancellery mr. Wischnewski iyo taliyihi ciidamada la dagaalanka argagixisada (gsg9) oo isagana la oranaayey Ulrich Wegener, isla markiina marku gegeda dayaarada Mogdisho ka soo dageena, waxaa horay si toosa loogu gudbiyey xerada afisyoone oo markaas ahayd xaruunti madaxtooyada.

Wasiirkii Jarmalka oo hinjinaayey boorso culus marku soo galay madaxtooyada oo la fariisiyey salootada martida, isla markaana Maxamed siyaadna ku jiro xafiiskiisa, ayaa wasiirkii boorsadi u watay damcay inu u dhiibo sarkaalkii gaarka u ahaa madaxweynaha oo isago il jabinaaya ku yidhi waa hadiyad u leeyahay madaxweynaha ee hadhow siih. hasa ahaate sarkaalku kama qaban hadiyadi.

Sarkaalkii si raboorto u bixiyo, wuxuu u galay madaxweynaha oo ku yidhi: wasiirkii jarmalka salootada ayuu fadhiya wuxuuna damcay inu ii dhiibo boorso weyn oo u yidhi waa hadiyad .. madaxweynaha oo warkaa ka damqaday ayuu sarkaalkii u afceliyey kuna yiri: Saan-cade reer yurub faham qalad ayey dhaansan-yihiin, oo waxay na moodayaan sida madaxda afrikaanka qaarkood markii doolarka noo lulaan in caqliga naga haadayo.

Wasiirkii oo murug badani ka muuqato ayaa hadal la galay madaxweynaha, wuxuu aad uga calaacalay afduubka diyaarada oo khasaaro iyo dhibaato u keeneysa dawlada Jarmalka, wuxuu isagoo hadalkiisi ku xiiqay yiri; mr. madaxweyne haddi aan la samata-bixin diyaarada iyo rakaab-keedaba dawladayada afka ayey u dhaceysa ee mudane madaxweyne na badbaadi oo noo ogolow inaan ciidamo u tababaran la dagaalanka argagixisada dalka soo galino. isagoo isla markaa ku nuux-nuuxsaday in dawlada Jarmalka ay ummadda Somali diyaar ula tahay in waxkasta ay u qabato, oo yiri xitaa hadaad hub rabtaan lacag baan idin siineynaa ee idinku ku gata.

Siyaad Bare oo ugu dambeyn si miyir qabow Jawaab siinaayey wasiirkii, wuxuu si qabuul iyo dabac leh ku yiri, ha murugoon diyaaradaan waan kaa ogolaaday in hawlgal ciidamadiina lagu badbaadiyo, has ahaate marka hore bal waxaan isku deyeynaa inaan la hadalno raga wax afduubay, oo bal aan aragno jawaabtooda. kadib wasiirkii ayaa isago aayar u hinqanaya laacay borsadi u watay oo waxuu u muuqday sidi nin boorsadda dhiibaya, hasa ahaate Maxamed Siyaad intu gacantiisa duubtay ayu markiiba yiri: wasiir stop oo xishood waaba laga tagay miya, oo warkiisi si raacshay: gacanta aad la laaceyso boorsada iyo ujeedadaada yeysan na kala geynin, oo aniga ma ahi kuwa aad ii mooday ee jeebka lacagta ku shubta, sorry hadiyaad ma qaato .. wasiirka oo intaa yes-ta guraayey arinkaa dood kama celin, aan ka ahayn yaabis iyo indhihi oo casaaday. dabadeed wasiirkii in kasto arintu u socday libin iyo shucuur rey-reyn ka helay, hasa ahaate waxuu ka yax-yax hawl-fududeynti lagu diiday oo ceebtaa awgeed si khajal ah ayuu uga si baxayey madaxtooyada una muuqday nin saanti roogi-waayey.

Halkaaso madaxweynuhu dabadeed guddi uu u saaray la xaajoodka ragi diyaarada u afduubnayd, nasiib darose wey macangageen oo diideen iney sheegaan ciida ay yihiin, taaso keentay in markii dambe Maxamed Siyaad jarmalkii amar ku siiyi iney diyaaradooda badbaadsadan , waxaana lagu xoojiyey ciidan Soomaali oo garab socday komandooski jarmalka. halkaaso iyagoo si xeelad leh wax u tabeynaaya ay hawlgalkii weerarka ku badbaadiyeen dhamaan rakaabkii diyaarada saarnaa, kuwi wax afduubana la wada laayey aan ka ahayn gabar dhaawac lagu qabtay oo isla markiiba loo gudbiyey isbitaalka Madiina, halkaaso inti bil ah daaweynteeda lagu dhayaayey, kadibna inta maxkamad la saaray ayaa ugu dambeystay qolo ka socotay madaxdi falastiin u kaxeysatay xagaa iyo Cadan.

Waxaa soo hadal qaad mudan in arintaa diyaarada darteed dawladi jarmalka intey niyad u ladeen hurdada ayey no qaadeen maxabo iyo jaceyl, isla markaana no ogolaatay iney wax-kasta oo horumar ah naga haqab-tiraan, laakiin run ahaanti wax laga faaiideystay ma jirin, balse waxa kaliya oo intaa safaarada Jarmalka maalin joog ugu soo dhacayey kumanyaal dalab dal ku gal Viso, taaso safaarada ka yaabin jirtay sababtuna waxay ahayd maamulka ayaa waqtigaas ahaa mid xidigiisu si dhacayay oo waxa jiray isku dayo inqilaabyo fashalmay, iyo xaga maamulka oo u ka jiray isku qas joogta ah, iyo hadba bal kan ka qaad, kaa gee bal in u wax soo kordhiyo, oo midba midka ka sii liita la abbaansaday, illa wasaarad iyo hay’ad kasta ay mayalka u qabteen casaabad xukumad anay micneheeda dooc iyo dareen midna aanay lahayn ee ay isku dhex yaaceen, oo markaa intey shacabkii sii cawareen ayey haddana xafiis kasta ka dhigeen sidi fakiinka oo kale.

 

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/07/Lufthansa-1977.jpg 194 259 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-07-05 10:47:172017-07-05 10:47:17Afduubkii Dayuuradi Lufthansa Ee Muqdisho & Malaayiintii Doolar Ee Siyaad Bare Sanka Loo Saaray

raadin

warki u dambeeyey

  • Daawo Sawirrada iyo Sidda looga Ciiday magaalada Shiniile.
  • Casrigii Dullinimadka Cadawga  iyo Doqonnimada Reer Sitti.
  • Bahda XeerNews24 iyo Hawlwadeenadeedu waxay akhristayaasha ugu Hambayeynayaan munaasibada Ciidal-Fidri.
  • Magaalada Biki oo taarikhdda biyo galin yeelatay.(Sawirro)
  • In ka badan 190-Xildhibaan oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

kaydka wararka

  • Mai 2022
  • April 2022
  • März 2022
  • Februar 2022
  • Dezember 2021
  • November 2021
  • Oktober 2021
  • September 2021
  • August 2021
  • Juli 2021
  • Juni 2021
  • Mai 2021
  • April 2021
  • März 2021
  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Sawirka Maanta oo uu Muuqda Nafi Orodbay kugu Aamintaa SAWIRRO: RW Kheyre oo Kulan Khilaaf uu ka dhashay la qaatay Wasiirka Dibadda...
Nach oben scrollen