Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Sidee ayuu Turkiga u baajiyay weerar Milateri oo ay Xulufada Sacuudiga la damacsanaayeen Qatar ?

5. Juli 2017/in WARAR/NEWS /von admin

 Wargeyska ThenewKhalij ayaa daabacay warbixin ka hadleysa weerar Milateri oo ay Xulufada Sacuudiga uu hoggaaminayo ay u qorsheeyeen inay ku qaadaan dalka aadka u yar, balse Hodanka ah ee Qatar, hase ahaatee markii uu Turkiga ku dhawaaqay inuu ciidamo u dirayo Qatar ayaa carqalad ku noqday qorshihii Sacuudiga iyo Imaaraadka, kuwaasoo si aad ah uga carooday tallaabada uu Turkiga qaaday.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa ThenewKhalij u xaqiijiyay in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay qorsheeyeen weerar Milateri oo xukunka looga tuurayo Boqorka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, balse tallaabadii uu Turkiga ciidamo degdeg ah ugu soo diray Doha ayaa fashiliyay dhagartii ay damacsanaayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Diblomaasi diiday in magaciisa la soo xigto ayaa sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga dajiyeen qorsho weerar Milateri, iyagoo ka faa’iideeysanaya ka hor inteeysan dalkooda Qatar kusoo laaban Ciidamada dalkaas ee qeybta ka ah Howlgalka dagaalka Yemen.

Diblomaasigaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Imaaraadka leeyahay ay gaareen dalka Baxreyn, kuwaasoo qorshahooda yahay inay dhanka Badda ka weeraraan Qatar, isla markaana la wareegaan Dekadaha dalkaas iyo Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad International Airport, halka Ciidamada Sacuudiga iyagana qorshahooda uu ahaa inay dhinaca dhulka ka soo weeraraan.

Qorshaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa wuxuu ahaa in marnaba aan si shaac ah loogu dhawaaqin weerarki Milateri, balse uu ahaado mid Gaadmo ah, kadibna xilka laga qaado Tamim bin Hamad Al Thani, laguna wareejiyo ruux ka tirsan dhaxalsugaha.

Balse Go’aankii uu Baarlamanka Turkiga 6-dii Bishii hore ee June ku gaaray in ciidamo loo diro Qatar ayaa hal bacaad lagu lisay ka dhigay qorshihii ay wateen Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaana ku qasbanaadeen inay baajiyaan weerarkii Milatari ee ay la damacsanaayeen Qatar.

Tallaabada uu Turkiga qaaday ayaa waxaa si aad ah uga carooday wadamada Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar, kuwaasoo u arka inuu si weyn u dhaawacay qorshahoodi.

Turkiga ayaa Qatar sanadkii 2014 Heshiis kula galay inuu saldhig Milatari ka sameysto magaalada Doha ee xarunta dalkaas, waxaana heshiiskaas saxiixay oo meel mariyay Baarlamanka Turkiga 6-dii Bishii June ee la soo dhaafay, waxaana durbadiiba Doha gaaray ciidamo iyo saanad Milatari oo uu Turkiga leeyahay.

 

Xiisada dalalka Khaliijka ayaa soo ifbaxday 5-tii June ee sanadkan, waxaana wadamada Imaaraadka, Sacuudiga,Masar iyo Baxreyn ay ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar, iyagoo ku soo rogay cunaqabateyn dhulka, Badda iyo hawada ah, waxaana ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha argagixisada, sidoo kale waxyaabaha Qatar lagu eedeeyay waxaa k amid ah ineey xiriir dhow la leedahay dalka Iiraan. Balse Doha ayaa diiday dhamaan eedeeymaha loo soo jeediyay.

Bashiir Addow Ahmed.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/07/weerar-milateri.jpg 341 640 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-07-05 12:10:122017-07-05 12:10:12Sidee ayuu Turkiga u baajiyay weerar Milateri oo ay Xulufada Sacuudiga la damacsanaayeen Qatar ?

raadin

warki u dambeeyey

  • Daawo Sawirrada iyo Sidda looga Ciiday magaalada Shiniile.
  • Casrigii Dullinimadka Cadawga  iyo Doqonnimada Reer Sitti.
  • Bahda XeerNews24 iyo Hawlwadeenadeedu waxay akhristayaasha ugu Hambayeynayaan munaasibada Ciidal-Fidri.
  • Magaalada Biki oo taarikhdda biyo galin yeelatay.(Sawirro)
  • In ka badan 190-Xildhibaan oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

kaydka wararka

  • Mai 2022
  • April 2022
  • März 2022
  • Februar 2022
  • Dezember 2021
  • November 2021
  • Oktober 2021
  • September 2021
  • August 2021
  • Juli 2021
  • Juni 2021
  • Mai 2021
  • April 2021
  • März 2021
  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Xildhinaadi golaha deganka Hargeysa oo is garab taagay kuwi reer Saylac Deg Deg:Cali khaliif Oo Laba Arin Mid Isku Haya Oo Dani baday Markii Uu Kasoo...
Nach oben scrollen