Waa Booqasho lagu sheego Xod-Xodasho Xeeladaysan.

Maamulka Hargeysa waxay aduunka ku gaala baxshaan Booqashooyin fara badan oo leh Ujeedooyin kala duwaan oo ay siyaabo kala duwaan ugu sheegaan shacabka ay maamulan ee Soomaaliland.

Waftiyadda ay maamulka Hargeysa  aduunka u dirto Marna laguma arko wasiirada wasaaradda Quudhsiga ee loo Qoondeeyey Beesha saylac(Ciise) wasaarada Ciyaaraha.

Laakiin waxay dadka si gaar ah ula socda Hardaamooyinka ay Hargeysa ku hayso Beesha saylac la yaabaan mar kaste oo ay Hargeysa wafti u Dirsato dalka Djibouti waxay soo hor marisa wasiirka qudha ee 25 sanno ugu jira wasaarada quudhsiga ee u dhashay beesha ciise waxayna la kulmaan wasaaradaha ugu tunka wayn dalka Djibouti ee loo arko in wax laga soo leef-leefi karo ama galaan-gal dhoow u leeyihiin guriga looga arimiyo dalka Djibouti.Kulamada iyo xod-xodashadda marna laguma soo qaado wax dan u ah ummada saylac ku dulman ee la hayb ah dawlada Djibouti deeqdan wax barasho iyo farsamooyinka laga naawili in ay Djibouti ugu deeqdo Hargeysa marna lagama yaabo in ay ka faaidaysan doonan dhalinta reer salal.