Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Qisada 6 Wiil ee la dilay? Yaa Dilay? Maxaa Loo Dilay?

10. Juli 2017/in WARAR/NEWS /von admin

• Sidee ayuu Dilka u dhacay?


Gaadhi nooca loo yaqaan Opel oo qaada ilaa 10 qofood ayey saarnaayeen Wiilasha la dilay, Sheeko ma jirin waayo tacsi iyo tiiraanyo ayey ku jireen.

Waxey ku socdeen qabuuraha deegaanka Calamada oo 25 Kilo mitir u jirta magaalada Muqdisho, iyagoo rabay in ay soo aasaan islaan eedadood ah.

Gaadhiga sida la ii sheegay quraan ayaa ka shidnaa, qof walbana wuuka murugeysnaa tacsida eedadood balse maxaa dhacay?.

Maalintii taariiqdu aheyd 8-7-2017 xili dambe ayaa waxaa wadada lagu gooyay gaari kale oo kooxo hubeysan ay kasoo dagteen, kuwaas oo xabado sida roobka oo kale ugu furay gaarigii ay saarnaayeen Qoyskii la laayay.

• KADIBNA MAXAA DHACAY?

Qof kasto wuu cararay, xitaa waalaga cararay meydkii la waday, Waxaa dhacday in wiilasha la dilay qaar ay ordeen iyagoo dhaawac ah balse xabado kale lagu furay.

Waxaa kamid ah Cabdi Jabaar Xaaji Gaabow oo isagoo dhaawac ah oo naftiisa la baxsanaya in markale xabado lagu harqiyay.

• 8 Qofood ayaa Geeriyootay

Tirada guud ee dhimashada dadkii meesha lagu laayay waxa ay gaartay 8 qofood, waxaana kamid ah (6 qofood oo hal qoys kasoo jeeda).

1- Cabdi Caadil Xaaji Gaabow
2- C/jabaar Caadil Xaaji Gaabow
3- Zakariye Caadil Xaaji Gaabow
4- Maxamed Deeq Xaaji Gaabow
5- Cabdi Rashiid Maxamed Yare
6- C/casiis Xaaji Gaabow (adeer)

• Yaa Dilay? Maxaase Loo Dilay?

Qof og malahan cida dishay iyo sababta rasmiga ah ee loo dilay 6 wiil oo hal qoys kasoo jeeday, 4 isla dhalatay iyo 2 ilmo adeeradood ah.

lakin hadal heynta iyo sida dad xog ogaal ah ay ii sheegeen Kooxo hubeysan ayaa dilay, Waxaana loo dilay qaab ganacsi.

• HALKEE AYEY DAGNAAYEEN ?

Waa qoys caan ka ah xaafada macmacaanka gaar ahaan degmada Dharkiinley ee magaalada Muqdisho, awoowgood Alle ha u naxariisto Xaaji Gaabow waa ganacsade si weyn looga yaqaan guud ahaan Muqdisho.

Wiilasha walaalaha ee la laayay waxey wadeen ganacsiga abaahood Caadil Xaaji Gaabow, waxeyna lahaayeen Xarumo ganacsiga sida Hoteelo, Isbitaalo, Goobo shacabka loogu adeego, Travel agent iyo Shirkad koronto ah.

• MAXAMED DEEQ RIYADIISA ? 

Mid kamid ah wiilasha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed deeq xaaji Gaabow wuxuu ahaa qof dhalinyarada ay jecel yihiin oo aad u furfuran, dhowaan ayuuna ka qalan jabiyay Jaamacadda Simad University.

Sanad ka hor ayuu guursaday, waxaa 2 bil ka hor loo dhalay Cunug (Baby), Riyadiisa waxey ahayd inuu caruur kale dhalo oo waqti badan la qaato nolashiisa cusub lakin taas ma noqon.

• HOOYADOOD “Wiilasheeyda wey ii soo laabanayaan” 

Inkastoo aanan la hadlin hooyada dhashay wiilashii Afarta ah ee la dilay hadana dad qaraabada ka tirsan waxey ii sheegen in maamada ay hada khadka ka baxsan tahay (Shock).

Xitaa hadal kama soo baxayo, marna waa ooysaa, marna qof kale waaye, marna caruurteedii ayey leedahay “wey ii imaanayaan”. 

• Aniga Dareenkeeyga

Qof walbo oo Muslim ah, Somali ah, dareen damqasho leh waan hubaa inuu dhacdadaan ka naxay lakin aniga dareenkeeyga shalay ilaa maanta wuxuu jiraa qoyska la laayay.

Maxaa ka xanuun badan oo ka murugo badan marka qoys halmar laga dilo Lix qofood? wlh aniga ilaa iyo xad aad ayaan uga ciishooday dhacdadaan

• XAASKIISA HORE WAA LAGA DILAY

Oday Xaaji Gaabow oo 2 sano ka hor isagana geeriyooday (Waa wiilasha awoowgood) ayaa horay waxaa looga dilay xaaskiisa, shalayna Caruurtiisa oo afar ah ayaa aduunka la dhaafiyay. Innaa lilaah wa innaa ileeyhi raajicuun

Qoyska reer Xaaji Gabow waxey diideen in xoolo iyo wax la qalo, waxey kaliya umadda Islaamka gaar ahaan Somalida ka codsadeen in wiilashooda ducada lagu kaalmeeyo .

Waxaa Qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/07/6-wiil.jpg 405 720 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-07-10 17:44:462017-07-10 17:44:46Qisada 6 Wiil ee la dilay? Yaa Dilay? Maxaa Loo Dilay?

raadin

warki u dambeeyey

  • Al Fanaan maslax Middeeye oo si xirfadaysan uga hadlay heesti ruxdday quluubta ummadda islamka ah.
  • Trump Oo Warqad Dad Badan ka Yaabisay U Qoray Madaxwayne Biden-ka Bedelay.
  • Sideed (8)Arimood Oo Trump Ka Sheegay Somalida Intii Uu Xilka Hayay.
  • Basaaska weyn ee reer Falastiin M Daxlaan oo lagu arkay geeska Afrika
  • Ismacil Cumar Gelle Oo Markii 5aad Musharax ah Iyo Mucaaradka Oo Ku Dhagan.

kaydka wararka

  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Daawo Sawiro Ciidanka Qaranka iyo madaxda Dalka. Erythrée : les Français inquiets pour Djibouti. Paris accroît la défense...
Nach oben scrollen