Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Sawirro: Arxan darrada iyo Aqliga Sacuudiga oo gaadhay Heerkii ugu xumaa & Geelii Qatar oo Xaduuda ku dhimanaya.

11. Juli 2017/in WARAR/NEWS /von admin

Sida ay qortay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska, boqollaal geel ah oo Qadariyiintu leeyihiin ayaa harraad iyo gaajo u dhamaaday markii Sacuudigu ay baadkii iyo biyihiiba ka goosteen.


Geela Qadar ayaa badanaa la daajiyaa beero ay Sacuudigu leeyihiin oo ku yaal xuduudda labada dal, dhanka Sacuudiga. Laakiin isla markii uu xidhiidhka labada dal xumaaday ayaa dhammaan geelii Qadar ee daaqi jiray beeraha Sacuudiga xeryaha oodda looga qaaday, laguna sii daayey saxaraha Qadar.

Dadkii geela lahaa waxaa la siiyey hal saac in ay xoolahooda ku soo doontaan.

Waxaa la qiyaasayaa in Sacuudigu uu oodda ka qaaday geel Qadar leedahay oo kor u dhaafay 15,000 Geel ah iyo 10,000 ido ah. Geela 9,000 (sagaal kun) oo kamid waxaa oodda looga qaaday wax ka yar 36 saac xidhiidh jarkii labada dal kabacdi.

Geellaha ama geel dhaqde magaciisu ku sheegay Xuseen Al-Maari ayaa yidhi, “waxaan ka soo laabtay Sacuudiga mise tiro geela oo 100 kor u dhaafaysa oo geelaygii ahi waa dhinteen, boqolaal kale meel aan ku sheego ma aqaan, sidoo kale boqolaal ido ah gacan kuma jiraan.”

Warar laga helay dadka maraya jidka u dhexeeya labada dal waxay sheegeen in ay indhahoodu ku arkeen qaalmo yaryar oo boqolaal kor u dhaafay oo ku bakhtiyey dhinacyada laamiga.

Wararka qaar ayaa iyana leh geel ka badan 150,000 neef ay weli ku jira xeryaha iyo beeraha Sacuudiga, lamana yaqaan xukunka Sacuudigu uu kuwaasna ku ridi doono.

Dawladda Sacuudiga ayaa Dawladda Soomaaliya ku haysa cadaadis ah in ay ku dayato oo soo raacdo xulafada Sacuudiga, xiriirkana u jarto Qada.

Madaxweyne Farmaajo ayaan aqbalin codsiga Sacuudiga, muujiyeyna in aysan Soomaaliya qayb ka noqon doonin isqabqabsiga Carabta.

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/07/geel4.jpeg 444 710 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-07-11 19:02:502017-07-11 19:02:50Sawirro: Arxan darrada iyo Aqliga Sacuudiga oo gaadhay Heerkii ugu xumaa & Geelii Qatar oo Xaduuda ku dhimanaya.

raadin

warki u dambeeyey

  • Daawo Sawirrada iyo Sidda looga Ciiday magaalada Shiniile.
  • Casrigii Dullinimadka Cadawga  iyo Doqonnimada Reer Sitti.
  • Bahda XeerNews24 iyo Hawlwadeenadeedu waxay akhristayaasha ugu Hambayeynayaan munaasibada Ciidal-Fidri.
  • Magaalada Biki oo taarikhdda biyo galin yeelatay.(Sawirro)
  • In ka badan 190-Xildhibaan oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

kaydka wararka

  • Mai 2022
  • April 2022
  • März 2022
  • Februar 2022
  • Dezember 2021
  • November 2021
  • Oktober 2021
  • September 2021
  • August 2021
  • Juli 2021
  • Juni 2021
  • Mai 2021
  • April 2021
  • März 2021
  • Februar 2021
  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

Beel Ka Mid ah Beelaha Dega Gobolka Hiiraan oo Ka Cawday Ciidanka Djibouti Maxaa ka Jira In Magaalada Addis Ababa oo lagu wareejinayo kililka Oromada?
Nach oben scrollen