Xeernews24
  • Startseite
  • Audio
  • Xeernews24.com
  • Suche
  • Menu

Maamul Goboleedyada Soomaaliya Miyey dalka IIbiyeen?

12. Juli 2017/in Qormooyin/Articles /von admin

Somaliya ma waxay leedahay hal dowlad oo dalka oo dhan ka talisa mase dowlado kale ayaa jira? Dowlad Goboleedyada dalka ka jira waa kuwo xur u ah dhulka ay ka taliyaan cidii ay doonaana ka kireeyaan ama ka iibiyaan, waxaana arrintaan xaqiijiyay C/weli Gaas, Axmad Madooeb iyo Shariif Xasan.


Seddaxda gobol oo ay ka taliyaan waxay galeen heshiisyo caalami ah oo ay la saxiixdeen dowladda Imaaraatka Carabta oo fara kulul ku heysa adduunka oo dhan. Tusaale yar haaddaan soo qaadano waxaan arkeynaa in Gaas oo maalin dhaweyto ku deeqay  LABA MALYAN oo doolarsi loogu kabo mataarka laga dhisaayo Garoowe. Donald Trump  oo ah madaxweynaha adduunka ugu taajirsan ma hibey karo lacag intaas la’eg, laakin C/weli Gaas markuu intaas bixiyay waxaa la isweydiiyay inta u hartay asaga iyo kooxdiisa.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in Farmaajo uu arrintaan wax ka ogyahay laakiin uusan marna ka hadlin heshiisyada ay gelayaan Maamulada seddaxda gobol ee kor ku xusan.  C/weli Gaas waxaa intaa u dheer inay Puntland soo daabacday shilin Somali oo manta dalki oo dhan lagu asqeeyay iyadoo labada gobol oo kale ay la ogyihiin lagan filaayo inay qayb ka qaataan sidi loo suuq-geli lahaa shilin Somaliga.

Waxaa la xaqiijiyay in Gaas aysan jirin wax ka xaaraan ah wuxuu doonana sameynaayo iyadoon cidina la hadli karin ama kala tali karin tallaabooyinka burburinta jiritaanka dowladda Somaliya. Haddaba, cadawga dibadaha laga filaayo wuxuu ku sugan yahay dalka gudihiisa iyagoo weliba heysta awood fulin oo wixi ay rabaan ka sameyn karaan Somaliya, maadaama ay Imaaraatka ku tiirsan yihiin.

Kuwa maanta raadinaaya inay Imaaraatka ka iibiyaan dalka oo dhan waxay ku sifoobeen xaasidka ugu khatarsan ee dalkaan ku sugan.  Gaas wuxuu aaminsan yahay inuu isagu dadka oo dhan ka sareeyo wuxuu doonana uu ka sameyn karo Somaliya, waayoo isagu kama tirsana umadaan la daalaa dheceysa abaaraha iyo horumar la’aan dhinac walba  dadweyne ka arradan xag waxbarasho, caafimaad  ma heystaan isbitaalo, jaamicado, isgaarsiin casri ah iyo wadooyin ay u adeegsadaan isu socodka, kuwaas uu Cabdiweli ka soomiyay reer Puntland, waayo isagu wuxuu heystaa meel uu u laabto oo ah New York hantidiisana ku shubtay bankiyadaas waxaana taa markhaati ka ah hab-dhaqankiisa uu caadeystay.

Nasiib darro, maanta Axmad Madoobe iyo Shariif Xasan waxay raadinaayaan in dowladda Qatar cilaaqaatka loo jaro si ay dhaqaalahooda u kororsadaan hanti fara badanna ay ku helaan. Hanti uu diiday R/Wasaaraha Ethiopia oo ku gacan seyray Sacuudiga & Imaaraatka kana diiday fikradda ay wataan oo ah cilaaqaadka in loo gooyo Qatar.

Haddaba, waxaan weydiineynaa M/Weyne Farmaajo in dowlad goboleedyada ay ka mid yihiin Somaliya iyo inay gooni isu taageen oon lala hadli karin gefafka ay gelayaana aan laga jooji karin, waayoo waxaan fileynay in dalkaani uu leeyahay hal maamul dhexe oo go’aamkiisu ka fulaayo dibadda iyo gudaha.

Waryaa u sheega in Ururka Nidowga Afrika uu diiday in khilaafka ka jira Khaliijka aan dhinacna la raacin oo dhexdhexaad laga ahaado, laakin seddaxdaan Madaxweyne waa gobolo xur ah oon Somaliya ka mid ahayn ciddii ay doonaan ay Somaliya ka kireyn karaan haddey doonana ku wareejin karaan, sida ay sameeyeen Somaliland & Puntland, waayoo ma jirto dowlad ka horistagi karta ama xataa ka hadli karta.

Seddaxdaan Maamule waa niman ay beec u yihiin damiirkooda ( waa haddi ay u hareen wax damiira) waxaana lagu tilmaami karaa inay yihiin KHAINUL WADAN aan dano Somali marna xisaabta ugu jirin “waryaa naga qaba doona oo dalkaan ka badaadi kara iyaga iyo inta ayu ku adeegtaan.

Shariif Xasan waxaa daafacaya oo loo keenay shirkadi Black Water oo Mareynaka laftiisu ku tilmaamay argagixiso kaddib markii falal aad u fool ka geysteen Ciraaq.  Axmad Madoobe haddii xaalku xumaado meel uu aado waa heystaa waa killinka 5aad, xoogaagi uu helana meeshuu ku cuni lahaa waa heystaa.

Imaaraatka waxay la yaabeen madaxda Somalida oo ku sifoobay dadka ugu rakhiisan adduunka oo qofki la siiyo hal malyan doolar uu aabihiis soo dilaayo meydkana keenaaya. Imaaraatka dhibaatada ay ka wado geyigeena waa mid laga shallaay doono mar aysan shallayi waxba tereyn waayoo meel alla meeshi ay galaan waa gubataa, iyagana debkaas waa ku soo socdaa Sharta ay noo maleegayaan Allaha naga badbaadiyo, kuwa ay ku adeeganayaan Allaha naga wado oo meesheey ka yimideen Allaha ku celiyo Inshaa Allaah..Aamiin!!!

W/Q: Cali Mubaarak

Teile diesen Eintrag
  • Teile auf Facebook
  • Teile auf Twitter
https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/02/Faaladda-Maanta.jpg 152 212 admin https://www.xeernews24.com/wp-content/uploads/2017/06/xeernews-1.png admin2017-07-12 17:05:262017-07-12 17:05:26Maamul Goboleedyada Soomaaliya Miyey dalka IIbiyeen?

raadin

warki u dambeeyey

  • Trump Oo Warqad Dad Badan ka Yaabisay U Qoray Madaxwayne Biden-ka Bedelay.
  • Sideed (8)Arimood Oo Trump Ka Sheegay Somalida Intii Uu Xilka Hayay.
  • Basaaska weyn ee reer Falastiin M Daxlaan oo lagu arkay geeska Afrika
  • Ismacil Cumar Gelle Oo Markii 5aad Musharax ah Iyo Mucaaradka Oo Ku Dhagan.
  • Djibouti Iyo Saamaynta Xaaladda Cusub Ee Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya.

kaydka wararka

  • Januar 2021
  • Dezember 2020
  • November 2020
  • Oktober 2020
  • September 2020
  • August 2020
  • Juli 2020
  • Juni 2020
  • Mai 2020
  • April 2020
  • März 2020
  • Februar 2020
  • Januar 2020
  • Dezember 2019
  • November 2019
  • Oktober 2019
  • September 2019
  • August 2019
  • Juli 2019
  • Juni 2019
  • Mai 2019
  • April 2019
  • März 2019
  • Februar 2019
  • Januar 2019
  • Dezember 2018
  • November 2018
  • Oktober 2018
  • September 2018
  • August 2018
  • Juli 2018
  • Juni 2018
  • Mai 2018
  • April 2018
  • März 2018
  • Februar 2018
  • Januar 2018
  • Dezember 2017
  • November 2017
  • Oktober 2017
  • September 2017
  • August 2017
  • Juli 2017
  • Juni 2017
  • Mai 2017
  • April 2017
  • März 2017
  • Februar 2017
  • Januar 2017
  • Dezember 2016
  • November 2016
  • Oktober 2016
  • September 2016
  • August 2016
  • Juli 2016
  • Juni 2016

Mawduuc

  • Guud Ahaan
  • Qormooyin/Articles
  • VIDEO/AUDIO
  • WARAR/NEWS

nala soo xidhiidh

info.xeernews24@gmail.com

SHEEKH CABDUL XAQ OO JABUUTI SAAR IYO SIXIRBA KA TUMAY Jen. Subagle “Waxaa kala saari la’nahay Shacabka Soomaaliyeed iyo Al-Sh...
Nach oben scrollen