Dhalinyaradii ka badbaaday Masiibadi ka dhacday Xeebaha Yamen Oo Xalay Soo Gaadhay Berbera Iyo Dhalinyaradii Ku Dhaawacmay Oo Ka Hadlay Siday Wax U Dhaceen

Doon siday dad ay tiradoodu gaadhayso ilaa 90 Qof oo Soomaali ah oo ay ku jiraan ilaa 12 Qof oo dhaawac ah oo kamid ahaa dadkii ay diyaaraduhu ku duqeeyeen marin biyoodka Baabu Mandab ee dalka Yemen bishii sadexaad ee sanadka  ayaa habeenkii xalay ahaa soo gaadhay dekeda Magaalada Berbera

Dadkani waxaa la dejiyey goob loogu talogalay in lagu nasiyo mudo sadex maalmood ah kadibna looga ambabixiyo deeganada kala duwan ee ku socdaan taasi oo ay gacanta ku hayso  haayadaha la shaqeeya sida IOM Iyo UNCHR ee Hargeysa ku yaal.

qaar ka mid Dhalinti ka badbaaday masiibadi  ayaa ka hadlay siday wax u dhaceen.

 

Halkan Hoose ka daawo  waraysi