DAAWO: Wariye 40 Sano ka shaqeeyay BBC oo ka hadlay Wareysi Adag oo uu la yeeshay MD Siyaad Barre

Wariye  Cabdullahi Xaaji ayaa ahaa saxafigii ugu waqtiga dheeraa ee BBC Somali, waxaana uu ka shaqeynayay mudo ka badan 40 sano.

Waxaa uu ahaa Wariyihii ugu horeeyay ee wareysi kulul la yeeshay Madaxweynihii dowladii Militeriga Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxaana uu weydiiyay su’aalo halis gelin karay noloshiisa oo ay kamid ahaayeen Sababta Dadka loo dilo iyo Xiliga uu dhamaanayo kaligiis talisnimadda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Cabdullahi Xaaji ayaa dhanka kale ahaa wariye soo kordhiyay erayo badan oo Soomaali ah sida Maandooriyaha, Barwaaqo sooranka iyo kuwa kale.

BBC Somali ayaa udabaal dagaysa sanad guuradii 60-aad ee kasoo wareegatay aas aaskeeda, waxaana qeybta hoose ka daawan kartaa Munaasabad loo qabtay.