XOG: Maraykanka Oo Diyaarado Dagaal Siinaya Soomaaliya (Nooca Iyo Goorta)

Dowladda Maraykanka ayaa hadda waxay Soomaaliya usoo waddaa Saddex diyaarad oo kuwa dagaalka ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Helicopter.

Diyaaradahan oo aan ahayn kuwa casriga ah ayaa waxaa ku xidhan oo kaliya qoryaha fudud, waxaana si gaar ah loo siin doonaa ciidamada Danab ee Maraykanka sida gaarka ah u tababaray.

Diyaaradahan waxay ciidanka u adeegsan doonaan howlgallada qorsheysan, waana kuwo lagu doonayo in Al-shabaab lagula dagaallamo.

Golaha ammaanka ayaa si rasmi ah xayiraadda uga qaadi doona dhowaan Soomaaliya, waa dhanka hubka, waxaana middaasi ay sahli doontaa in Soomaaliya la hubeeyo.

Maraykanka wuxuu doonayaa in dowladda Turkiga kaga soo hormaro diyaarado dagaal iyo Taangiyo ay siin doonto Soomaaaliya.